Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya iyo QM oo ka deyriyey xaaladda dalka – Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir warsaxaafadeed uga soo saaray xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay saameeyeen abaaraha.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda gargaarka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ee QM ayaa marka hore walaac looga muujiyey xaaladaha kasii daraya ee ka dhashay abaaraha.

“Qoysaska waxay luminayaan xoolahooda oo ah isha ugu muhiimsan ee nolosha waxaa laga yaabaa inay Gaajo u dhintaan bilaha soo socda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu shaaciyey in iyaastii 2.3 Malyan ay haatan wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, gaar ahaan  biya la’aan iyo cunta yari baahsan.

Dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay sabab u tahay korora dayaca xilliga tirada u baahan gargaar iyo badbaadin gudaha Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo bahanyahay u istaagida sidii looga hortegi lahaa abaarta, si aysan uga sii darin xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jira dalka.

“Waa inaan hadda wax ka qabanaa, si aan uga hortegno abaar na cuuryaamiso,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ugu daran ayaa waxaa lagu soo sheegaya gobollada dalka, gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

The post DF Soomaaliya iyo QM oo ka deyriyey xaaladda dalka – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this