Deeq A. Posted November 18, 2021 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Sabtida ku soo wajahan Garoowe ayaa ka codsaday labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland in aysan kala tegin inta uu ka imaanayo si ay shir wadajir ah u yeeshaan. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku sii sugnaan doona Garoowe inta uu ka imaanayo Ra’iisul wasaare Rooble waxaana lagu wadaa in Ra’iisul wasaaruhu Shir gaar ah la yeesho Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland. Shirka ayaa sida wararku sheegayaan looga hadlayaan Arrimaha ku saabsan Doorashada gaar ahaanna Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo Sabtida ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites