Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan natiijo la’aan ku dhamaaday oo dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu kulan la yeeshay Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Kulankan Madaxweynaha iyo Suldaan Cabdillaahi, hase yeeshee, sida warar Xogogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Saxansaxo, Kulan oo dhawr qodob lagaga wada hadlay, ayaanay wax natiijo ahi ka soo bixin, ka dib markii Suldaan Guud ka cudur daartay qodobo Madaxweynuhu u soo bandhigay inuu kala shaqeeyo.

Kulankan oo toddobaadkan qabsoomay, ayaa la sheegay inuu ka soo shaqeeyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa qodobada uu Madaxweyne Biixi uu u soo bandhigay Suldaan Cabdillaahi inuu kala shaqeeyo, waxa ka mid ahaa kala reebista Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi oo labaduba shaaciyey in ay u tartamayaan Guddoomiyenimada Kulmiye iyo qodob kale oo la xidhiidhay sidii dib loogu soo celin lahaa Kalsoonida Salaadiinta Bariga Burco iyo Madaxweynaha.labada

Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Suldaanku u sheegay Madaxweynaha in aanu arrimahaasi waxba kala qaban karin, maadaama oo labada masuul ee uu doonayo inuu kala reebo ay yihiin shaqaalihiisa amma masuuliyiinta uu maamulo, oo ay tahay hawl isaga u taalla.

Halka qodobka kalena, uu Suldaanka tilmaamay in muddo laba sanno ah uu hawlo caafimaad iskaga mashquulsanaa, isla maarkaana aanu wakhtigan diyaar u ahayn inuu hawlahaasi galo, oo uu xaalad caafimaad iska jiro.

Waxa kale, oo uu Suldaanka ka dhawaajiyey in uu Suldaan u yahay bulsho Mucaarad iyo Muxaafidba isugu jirta oo aanu diyaar u ahayn in uu galo arrimo siyaasaddeed oo lagu kala qaybsan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this