Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Laba kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland oo isku biiraya

Recommended Posts

Deeq A.   
SINCADRUNCAD.png?resize=514%2C338&ssl=1

Laba kamid ah urur siyaasadeedyada ka dhisan Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhowaan isku biiraan islamarkaana noqdaan hal urur siyaasadeed.

Labada urur siyaasadeed ee Sinnaan & Caddaalad iyo Run & Caddaalad ayaa bilaabay wada-hadal toos ah oo ku saabsan sidii ay ku midoobi lahaayeen.

Hoggaanka labada urur siyaasadeed oo Kulamo hoose yeeshay ayaa ku ballamay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku biirista labada dhinac si ay u noqdaan hal urur siyaasadeed.

Hawshan oo muddooyinkii u dambeeyay si hoose u socotay ayaa hadda laga war-helay inkastoo hoggaanka labada urur aysan war rasmiya ka soo saarin.

PUNTLAND POST

The post Xog: Laba kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland oo isku biiraya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this