Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii Xalay ka dhacay Madaxtooyada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka Puntland.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo kulanka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in Madaxweyne, Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana u baahan in la garab Istaago.

Axmed Madoobe, wuxu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka loogu yeeray in ay taageeraan Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Deni, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada oo diiday in magacyadooda la xigto.

Mudane Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo Jubaland ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabayaan Doorashada Golaha Shacabka, balse wax faahfaahin ah ma raacin.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo dhoweeyay Qorshaha Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ay u ballan-qaadeen taageero buuxda.

Ugu dambayn, Madaxweyne Siciid Deni kama hadin wax ku saabsan Musharraxnimadiisa balse wuxu sheegay in Kulanku xiranyahay Habeenka Jimcuhu soo galayana (Caawa) ay jirto Casha Sharaf lagu saagootinayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlay kulankii Xalay ka dhacay Madaxtooyada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this