Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo ka wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
4-6.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo howlo Shaqo u jooga Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya iyo dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha Sacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadeen kulamo kala duwan ,iyaga oo walaac ka qaba dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo ka wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this