Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqale Ka Tirsanaa Qaramada Midoobay Oo Oo Lagu Xidhay Itoobiya Oo Dib Xorriyadoodii U Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada ka mid ah darawallada gawaarida gargaarka ee Qaramada Midoobay oo ay xidhay dowladda Itoobiya toddobaadkii hore ayaa la sii daayay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey.

Afhayeenka u hadlay Hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midooey oo lagu magacaabo Farxan Haq ayaa sheegay in 34 ka mid ah darawallada la xidhay la sii daayay, balse 36 kale ay weli xabsiga ku jiraan.

wararka ee Reuters iyo AFP ayaa sheegay in 72 darawal oo ka tirsan hay’adda cunada aduunka ee WFP lagu xidhay Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Semera ee gobolka Canfarta.

Waxa uu rajo ka muujiyay in la sii dayn doono qaar ka mid ah wadayaasha gawaarida ee hadda xidhan.

Shaqaalahan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa la xiray ka dib markii xaalad degdeg ah ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo Qaramada Midoobey-na ay walaac ka muujisay xidhitaanka Shaqaallaheeda oo ay sheegtay inay arrintaasi saameyn ku yeelan karto gargaar gaarsiinta dadka tabaalaysan ee ku nool qaybo ka mid ah dalka Itoobiya gaarahaanna waqooyiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this