CARTAN Posted March 11, 2002 Waa idin salaammay dhammaan marka hore dhammaan dhalinta ka qayb qaaddata ilaalinta anshaxa gabayada. WAxaan aad ula yaabbay dhalinta qurbe kunoolka ah oo beryahaan dambe la soo baxay dabbeecado kale,sida in ay ka loox-tuuraan AFKOODDII HOOYO EE HODANKA ahaa, Taasina yaa ku dhibqaba tolow..? Waa su'aal u baahan in jawaabteeda la-saxo. Afafka qalaad ee aan ku faannayno yaa iska leh, ma Aabbeheen baa ku dhaadan jiray mise Awoow-yaasheen? jawaabtu Waa Maya Maya, ee laakiin waxaa layska yeelyeelayaa dad ilbaxnimada aad ugu xeel-dheer. Haddaba su'aal macquul ah oo in la is-weydiiyo muddan ayaa waxay tahay Ilbaxnimadu ma Afkii Hooyo ee aan u dhashay inta aan tuuro in aan Afqalaad oo aannan ab iyo Isirtoona u lahayn aan ku faannaa, mise waa aydoo aan Ku faanno Dhaqanka, Diinta, iyo Anshax-wannaagga Suubban ee uu leeyahay Afkayga Hooyaa??. Jawaabta su'aashaas waxaan u dhaafay dadka Caqliga leh ee aan miyir doorsoomin una heeggan Horu marinta AFKA HOOYO, iyo in ay ku dhaataan. Afka Hooyo Hodon weeye oo Waa Hal aan hubbo'e Wixii loo hilmaammaba waa Haddimo noo taal'e Hiigso oo Haldoonkiisa noqo Halabso Miiddiisa Hawraarta Mirrihiisa Garro Hilinka ay taallo. Yaa Salaam Allaah ya cisak Mr MGIAMA ISSE. Aqyaarta haddaad wax kale haysaan bal soo biirriya sxbyaal Quote Share this post Link to post Share on other sites