Deeq A. Posted November 16, 2021 Laba qarax ayaa Talaadada maanta ah ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaga oo dhaawacay tobaneeyo qof, waxaana booliska ay ku qeexaan weerar lagu soo qaaday magaalada. Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska. Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay. Ochom ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska uu soo daadiyey muraayadaha daaqadaha, halka mid ka ka dhacay agagaarka halka laga galo baarlamanka ay ku gubteen gawaari tiilay baarkinka. PUNTLAND POST The post Laba Qarax oo ka dhacay magaalada Kampala appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites