Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo walaac weyn ka muujisay Doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha caalamka oo walaac weyn ka muujisay Doorashooyinka Soomaaliya

Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka
Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka

Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, hase yeeshee ay walaac ka muujinayaan dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada.

War-saxaafadeed kasoo baxay saaxiibada ayaa lagu yiri “Saaxiibbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku boorrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka.”

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray “Waxa aan xusuuusan nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caalamka, durbaba la heli karo si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka.”

Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay ku baaqeen in doorashooyinka ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, wakhtigoodana ku qabsooma.

“Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda.”

War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this