Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah Garoowe ku yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Kulankan oo ahaa mid hordhac ah islamarkaana albaabadu u xiran yihiin ayaa labada mas’uul uga wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay isla soo qaadeen in aysan Doorashada iyagu hor bilaabin si ay u qiimeeyaan Dowlad Goboleedyada kale hadba sida ay u maamulaan doorashada Golaha Shacabka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay kulamo dambe ka yeeshaan soo xulidda Xildhibaannada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Puntland iyo Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah Garoowe ku yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this