Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saddexda ujeedo ee ka dambeysa safarka Roole ee Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ku tagay Magaalada Dhuusamareeb Xarunta maamulka Galmudug.

Waa xilli ay maamulada si toos ah ugu diyaar garoobayaan inay bilaabaan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, wuxuuna maamulka Galmudug ku jiraa maamulada la filayo inay ugu dambeyn 20-ka bishaan bilaabaan doorashada.

Ra’isulwasaare Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa joogi doono Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada Galmudug illaa iyo seddex cisho.

Safarka Rooble ee Dhuusamareeb wuxuu bilow u yahay safaro uu rabo inuu ku maro dhammaan maamul Goboleedyada dalka inta ay socoto doorashada Golaha Shacabka.

Safarada waa kala ujeedo, safarka Ra’isulwasaare Rooble ee Dhuusamareeb wuxuu ku saabsan yahay seddex arrimood oo dhammaan muhiim u ah dalka iyo deegaanada Galmudug.

1- Doorashada Golaha Shacabka

Galmudug waxay dhawaan soo afjartay doorashadii Aqalka Sare, waxay hadda isku diyaarineysaa middii golaha Shacabka.

Rooble wuxuu doonayaa inuu marqaati ka noqdo Galmudug oo lagu dooranayo xubno kamid ah Golaha Shacabka.

Xubno kamid ah madaxtooyada Galmudug ayaa xaqiijiyey in Ra’isulwasaare Rooble dalbaday in illaa iyo Shan kursi la doorto inta uu ku sugan yahay deegaanada Galmudug.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo aan is arag tan iyo markii Qoor Qoor ay u suurta geli weysay inuu xaliyo xiisaddii Farmaajo iyo Rooble ayaa Maanta dib isku qaabilay, iyadoo maalmaha uu Rooble joogo Galmudug la isla gorfeyn doono geediga doorashada iyo isbadalka la naawilayo intaba.

2- Samafal

Dhawaan Galmudug waxaa ka dhacay dagaalo ay dad badan ku dhinteyn kuwa badana ay ku barakaceyn, wuxuuna maamulka Galmudug dalbaday gurmad deg deg ah, waxaana loo saaray guddiga.

Dhinacyada ay kaalmada ka dalbadeyn waxaa kamid ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Ra’isulwasaare Rooblana waxaa la sheegay inuu wado daawo iyo Agab kale oo loogu talagalay dadka deeganka ku barakacay.

Waxaa macquul ah inuu booqdo Guriceel halkaas oo ay dhawaan ku dagaalameyn Ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa kooxda Ahlu Sunna.

Dadka deegaanka ayuu rabaa Ra’isulwasaaruhu inuu soo xaal wareysto iyo inuu gaarsiiyo gargaarka ay ugu talagashay Dowladda Federaalka ayuu yiri mid kamid ah howl-wadeenada xafiiska Ra’isulwasaaraha.

3- Xal raadin

Sida ay dadka intooda badan la socdaan, kooxda Ahlu Sunna waxay weli carcar u tahay dagaalo kale oo ka dhaca deegaanada Galmudug, waxay ciidan ku aruurinayaan deegaanka Bohol, dhawaana waxaa la sheegay inay qeybiyeen hub iyo mushaar.

Saraakiil deegaanka ah oo loo diray inay wada-hadal lasoo furaan ayaan kala soo laaban natiijo wax ku ool ah .

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud waxa uu dhawaan sheegay in haddii Galmudug diido sida ay wax u rabaan oo aan lala hadlin inay dowladnimadooda gaarka ah sii wadan doonaan ayna iska celin doonaan ciddii ka hor timaada. Farrintaas waxaa lagu tilmaamay dhiilo ogeysiiskeeda wadata .

Ra’isulwasaare Rooble inta uu joogo Galmudug waxaa la filayaa inuu isku dayo inuu xalka qeyb ka noqdo oo uu abuuro jawi ay Galmudug kaga badbaadi karto inay mar kale dagaalo ka dhacaan. Dagaalo kale oo ka dhaca Galmudug ayaa si weyn u saameyn kara Shaqada doorashada.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa la xaqiijiyey marka uu safarkaan kasoo laabto inuu aadi doono Hirshabelle, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland si uu u xaqiijiyo inay doorashada noqoto mid daah furan oo aan lagu takri-falin tartamayaasha.

The post Xog: Saddexda ujeedo ee ka dambeysa safarka Roole ee Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this