Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo ka hortimid baaq ka soo baxay Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa ku gacan sayrtay baaq ka yimid madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ahaa in dhammaan quwadaha shisheeye ay ciidamadooda kala baxaan Libya.

Dalka Libya ayaa waxaa ka socday dagaal sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray kaligii taliye Mucamar Qadafi, oo ku baxay kacdoonkii 2011.

Turkey ayaa Libya u dirtay ciidamo iyo maleeshiyaad Suuriyaan ah oo ku xiran si ay u xoojiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli, halka Russia iyo dalal kale ay taageerayaan kooxda bariga Libya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar.

Macron ayaa ka sheegay shirka caalamiga ah ee Libya ee Jimcihii ka dhacay Paris In Russia iyo Turkey ay calooshood u shaqeystayaashooda kala baxaan Libya ayada oo aan dib loo dhigin.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo ka hortimid baaq ka soo baxay Faransiiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this