Hibo Posted February 1, 2002 Gabaygan Guba waxaa tiriyey Gabayaagii Caanka ahaa "Ilaahay naxariista jano ha siiyee Cali dhuux Adam, waxaanu ka mid ahaa silsiladii gabayadii dheeraa ee Guba.Gabaygan waa gabay aad uu caan ah, gaar ahaan, deegaanka Suugaanta soomalida ka bilaamantay,waa deegaanka Hawd iyo ciid, Gabaygan Cali Dhuux waxaa ku guubaabinayey Ugadeen inay dhulkooda Habar Yoonis ka soo ceshadaan. Meesha uu markaa ka hadlayaana waa degaanka loo yaqaan DOOLLO. Wuxuu yidhi: Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde Markii duraha jiidaal kacee doogga la idlaysto Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto Laaski uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo'e Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye Maantana dukaamaa la dhigay degelki Gaafoowe Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane Kuma dalaaqin naagii inaanay dib uga laabmayne Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira'e Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan Makaahiilku doy uguma kicin degeya Hiiraane Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelki Haarweyne Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode Ilaah baa dabkoodiyo sandahay danabadoodiiye Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay Da'daan kaga bilaabiyo miyaan deelki ka habawshay Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyay Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo'e Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirki dheeraaye Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada'e Ma damqodo'e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye Ilamo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo'e Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro'e Dagaalkii killaas ugama rayn duulki Reer Shalace Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka anse kulay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga Maansadan dad yuu qoonsannuu diradiraw qaadan Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararki Baarjeexe Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga Nabsigu waa daruuraa cirkiyo sida daruureede Dersinkii wax qaatuu la' yahay deynki godobeede Daairadu maantay waddaa duulashii galaye Xaqa dagugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso Daaimo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin Quote Share this post Link to post Share on other sites