Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya oo Dalka Itoobiya ka degay+Ujeedada Safariisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya oo Dalka Itoobiya ka degay+Ujeedada Safariisa

uhuru.jpg
Uhuru iyo Abiy

Madaxweynha dalka Kenya ayaa gaaray dalka ay dariska yiihiin ee Itoobiya xili ay dagaallo ka socdaan qaybo ka mid ah dalka kuwaas oo u dhaxeeya xoogaga TPLF iyo ciidamada dowladda.

Uhuru Kenyaantta waxaa magaalada Adis Ababa kus oo dhaweyay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana la filayaa in ay ka wadahadalayaan xaaladihii ugu dambeyay ee gobalka gaarahaanna colaadda Itoobiya ka taagan maadama labada dal ay xuduud wadaagaan.

Tagitaanka Uhuru kenyaatta ee Itoobiya ayaa imaanaya xili la sheegayo in wadahadallo nabadeed aaney suurta gal ahayn inta dagaalladu sii xoogeysanayaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria,Olusegun Obasanjo oo ah ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay wadahadallada suurtagalka ah, balse loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka oo la helo fursad abuuri karta wadahadal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this