Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaheysiga Yeman oo sheegay in ay dileen Xuutiyiin badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Isbaheysiga taageera ciidamada dowladda Yeman ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay fuliyeen 42 weerar oo lagu bartilmaameedsanayay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada Sirwaax ee galbeedka Ma’rib iyo Al-bayda oo iyadana dhanka koonfureed kaga beegan Ma’rib.

Maanta ayuu Isbaheysiga sheegay in howlgalkan lagu burburiyay 17 ka mid ah gaadiidka dagaalka, laguna dilay 186 ka mid ah maleeshiyaadkii u dagaalamayay Kooxda Xuutiyiinta.

Sidoo kale, furimaha koonfureed ee Ma’rib ayaa Sabtidii shalay waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta, halkaas oo la sheegay in lagu jibiyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Ciidamada dowladda ee ku sugan loonfurta Ma’rib ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarro ay maleeshiyaadkaasi ku soo qaadeen, iyagoo isku dayay inay dib u soo ceshadaan goobo horay loogala wareegay.

PUNTLAND POST

The post Isbaheysiga Yeman oo sheegay in ay dileen Xuutiyiin badan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this