Deeq A. Posted November 14, 2021 Puntland ayaa berri oo Isniin ah bilaabaysa dhaqangelinta siyaasad lagu tayaynayo amniga caasimadda Garowe, taas oo ay horay u ansaxiyeen Golaha Wasiirada. Sharcigan ayaa caasimadda Garowe ka mamnuucaya hubka sharciga aan lahayn ee lagu dhex-wato ama lala soo galo, sidoo kale wuxuu xadidayaa ciidanka hubka ku dhex-qaadan kara magaalada. Taliyaha Booliska Puntland Maxamed Cali Xaashi oo si hordhac ah uga hadlay sharcigan ayaa sheegay 15-ka bishan November oo ku beegan berri uu magaalada Garowe ka bilaabanayo howlgal ballaaran oo lagu baarayo magaalada iyo kantaroolada. Taliyuhu wuxuu tilmaamay in aysan magaalada Garowe soo geli-karin cid ciidan wadata oo aan warqad ogolaansho ka haysan dowladda. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay howlgalka berri ka bilaabanaya Garowe? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites