Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan Ay Dhawaan Hargeysa Ku Yeesheen Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Guddoomiyaha Xisbigaas Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa la sheegay in dabayaaqadii toddobaadkii dhaweyd ay kullan wadda yeesheen siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo la sheegay inuu ka qabsoomay Huteelka Casood ee Maagaalada Hargeysa

Kullankan oo ahaa mid u gaar ah labadooda ,isla markaana aanay jirin cid kale oo ku wehelisay ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ay wadda yeeshaan labadan siyaasi tan iyo intii la shaaciyey inay waddo u socdaan garabka siyaasiyiinta KULMIYE ee uu hoggaaminayo siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga WADDANI.

Dhanka kalene kullankan ayaa la sheegay in uu ku soo dhammaaday is afgarad,isla markaana waxa la sheegay in ay isla qaateen in kullan ballaadhan oo dhaalatus siyaasadeed ah ay labadan siyaasi dhawaan ku qaban doonnaan Magaalada Hargeysa,kaas oo ay isku keenayaan taageerayashooda.

Geesta kalene Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa salaasada saadambe loo doorran doonnaa Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socda hoggaamnin doonna Xisbiga WADDANI,waxaana la sheegay in siyaasi Maxamuud Xaashi ay ka wadda hadleen arrintaas iyo sidii ay isku garabsan lahayeen, taas oo la sheegay inay is afgarad buuxa ka gaadheen.

Geesta kale Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ah siyaasi miisaan siyaasadeed ku leh Somaliland ayaa dhawaan la filayaa inuu si rasmi ugu biirro Xisbiga WADDANI, taas oo la filayo inay dhacdo shir weynaha Xisbiga WADDANI kaddib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this