Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Dhigan Tahay In Afar Sanno Ka Dib Dadkii Doortay Madaxweynaha Ay Baraha Bulshada Ku Soo Bandhigaan Iyagoo Farraha Dhex-da Ka Qaniinsan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Afar sanno ayaa shalay oo sabtidii 13 November 2021 u buuxsamay Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo,taas oo muddo xileedkeedii uu yahay mid hadda sii gabaabsi ah, isla markaana uu sannad qudhi uga hadhay.

Tageerayaashii doortay Madaxweyne Biixi ee codka siiyey 13 November 2017-kii, ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay qoraalo iyo sawiro ay farraha dhex-da ka qaniinsan yihiin,kuwaas oo muujinayey ama ka turjumayey inay ka qoomamoonayaan doorashadii ay doorteen Madaxweyne Biixi,isla markaana ay farrahoodii ay ku coddeeyeen eedeen.

Dhallinyaro haween,wayeel iyo haldoor kale ayaa siyaabo gaar gaar ah baraha bulshada sida facebooga twitter ugu faafiyey shalay qoraalo iyo sawirro ay faraha qaniinsan yihiin,kuwaas oo ay ku soo dulqareen November 13 2017-kii,taas oo ahayd maalintii loo dareeray doorashadii Madaxtooyadda uu ku guullaystay Madaxweyne Biixi.

Dhanka kalene halku- dhigyadda ay taageerayaashii doortay Madaxweyne Biixi soo raaciyeen sawiradda ay farrihii ay ku coddeeyeen qaniinsan yihiin ayaa ahaa kuwa muujinaya siday uga xun yihiin doorashadoodii ay shalay Madaxweynenimada ugu doorteen Muuse Biixi Cabdi,waxaana kamid ahaa halku-dhigyadda kuwan:- mar dambe eedimayno fartadayadda iyo fartayadda ayaan ku aarsan doonna,iyo fartii shalay aan kugu doorran waa diyaar in aanu kugu ridno Madaxweyne Muuse Biixi iyo weliba waa inoo November 2022 iyo maalinta doorashada Madaxtooyadda iyo halku dhigyo kale oo farabadan,kuwaas oo ahaa qaar ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Biixi

Afarta Sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Biixi waa markii ugu horaysay ee ay tageerayaashii doortay ay darreenkooda iyo diidmadda Madaxweyne Biixi ay sidan u soo bandhigaan,taas oo muujinaysay sida uu u lumiyey taageerayaashii shalay doortay,isla markaana u socdaalay u surmiyey, u saamalaylay ee safafka u galay si ay ugu coddayeen doorashadii 2017-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay madal dad badani joogaan 25-kii November 2017-kii markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadhada Madaxtoyadda afar cisho kaddib ayaa yidhi: “Eexda haddii la macneeyo islama garanayno, musuqa iyo hufnaanta islama garanayno, waxa qaranka aan ka doonayo islama garanayno, waxa qaranka yaalaba haddii aan reer qudha u dhiibo ma raalli-gelin karayo, waanay i sugaysaa berri fartaydii eedayeey oo khasaarayeey, taa anigu iskaga diyaar baan u ahay, laakiin waxay dhibi doontaa raggiina mustabaqlka doonaya inay xisbiga iyo siyaasadda sii galaan, waa xal aynu u baahannahay in aynu helno, waar fartaada eed waayo iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo.”

Si kasabata ha-ahaatee waxa xaqiiqo ah in Madaxweyne Biixi uu lumiyey tageerayaal farra baddan,iyadoo ay shalay sabtidii 13 November 2021-ka ay tageerayaashii u coddeeyey ay baraha bulshada ku soo bandhigeen sawirro gaar gaar ah oo ay faraha dhex-da ka qaniinsan yihiin,kuwaas oo muujinayey inay ka qoomamoonayaan doorashadii ay doorteen Madaxweyne Biixi,waxaanay ku soo dul qoreen halku dhigyo ay kamid ahayeen fartii aan kugu doorranay waxay diyaar u tahay inay ku rido doorkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this