Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoggo Laga Helay Kulan Uu Madaxweyne Biixi La Yeeshay Danjire Baashe Cawil (Tawaawicii Biixi + Garnaqsigii Baashe Iyo Is-laab-Xaadhashadii)

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoggo uu Wargeyka Waaberi ka hellay illo wareed-yo kale duwan,ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu laba kullan oo xidhiidhsan uu la yeeshay toddobaadkii hore Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Keynya Denjire Baashe Cawil Cumar,kaas oo dhawaan iska casiley xil uu Madaxweyne Biixi uu u magaacabay,kaddib markii uu saluugay.

Xoggaha ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu dhawr jeer ergo u diray Danjire Baashe Cawil,haseyshee uu ku soo gacansaydhay Baashe Cawil,balse waxa la sheegay in waxa uu ka cago jiidaba uu toddobaadkii hore ka aqbal dalabkii Madaxweyne Biixi ee ahaa inuu mar uun la kulmo Siyaasigan ay isa seegeen ee Beeshe Cawil.

Waxa kale oo ay xoggu xusaan in kullankan uu Madaxweyne Biixi la yeeshay Baashe Cawil uu ahaa mid is laab xaadhasho ah,isla markaana uu Madaxweyne Biixi ahaa mid ka garaabay dhankiisa wax-yaabo baddan oo uu ka tabanayey siyaasigan,kuwaas oo ay ugu waa weynayeen ballan qaadkii ahaa inuu wasiir u magacaabayo doorashadii shir guddoonka kaddib,taas oo uu kaga baxay,waxaanay ahayd sababtii keentay inuu Baashe Cawil uu iskagaga casiley xilkii wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha debad ee loo magacaabay.

Dhanka kalene Xoggaha aanu ka helnay kullanka hore ee ay yeesheen Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Baashe Cawil ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu halkaas ka jeediyey haddalo u bad-naa beer la xawsi,kuwaas oo ay kamid ahayeen in aanu taariikhdii Siilaanyo ku noqon Baashe mid duminaya,waxaanu ka codsaday in aanu ka soo horjeesan KULMIYE,isagoo ku macneeyey haddii uu ka soo horjeesto inuu muujinayo siilaanyo oo ka soo horjeestay.

Sidoo kale xoggaha ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka dalbaday Baashe Cawil in aanu ku biirin Xisbiga WADDANI,isla markaana aanu soo taageerin, isagoo halkaas Madaxweyne Biixi kaga tiraabay haddalo tawaawac iyo beer la xawsi u baddanaa,haseyeeshee Baashe Caawil ayaa la sheegay inuu ugu hal celiyey inuu ka soo tashanayo mustaqbalkiisa siyaasadeed inuu la sii jallo ahaanayo Madaxweyne Biixi iyo in kale.

Geesta kalene xoggaha ayaa sheegay in kullankii labaad ay isku horfadhiisteen haddana Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Baashe Cawil,isla toddobaadkii hore dhammaadkiisii,kaas oo ahaa mid xidhiidh la leh kullankaa hore,waxaana la sheegay in Baashe Cawil uu aqbalay soo jeedinta Madaxweyne Biixi ee ahayd in aanu ku biirin Xisbiga WADDANI,waxaanu taas dhaafsaday xil shillis oo dhawaan loo magacaabi doonno iyo arrimo kale iyo mansabada ugu sareeya Xisbiga KULMIYE

Marka laga taggo xoggahaas ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay labada dhinac, haseyeeshee waxa la xaqiijiyey in Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Baashe Cawil ay labadaa kullan ee kale dambeeyey ay wadda yeesheen,isla markaana uu is afgarad siyaasadeed dhex-maray.

Dhanka kalena xoggo kale oo uu wargeyska waaberi helay ayaa sheegay in shalay ilaa xalay ay xubno siyaasiyiin ah iyo madax-dhaqameedka Beesha uu ka soo jeedo siyaasi Baashe Cawil ay waddaan dedaalo ay ku doonnayaan sidii Baashe Cawil ay uga baajin lahayeen qorshaa Madaxweyne Biixi hor dhigay oo ay u arkaan inuu yahay shir qool siyaasadeed iyo dabin uu u qoolayo siyaasigan si uu ugu dhaco,waxaanay rabbaa in mawqifkiisii iyo jihadii WADDANI ee uu ku socday uu ku adkaysto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this