Naag-qaawan Posted October 5, 2001 Salaaamz everyone, I'm hoping one of you can tell me, Where to find Somali Music lyrics? Every website I go Has the Listening Version but Not the Text. Ninba wuxuu ku taamaa ama hees ka tiriyaa tixo gabay ku sheegaa halka lagu tallaalee hawadiisu taallee uurkiisu tebayee.......... Thanks in advance, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Deeq A. Posted October 5, 2001 Do a search on Somalia Online. search for the term "Hoyga" or "suugaan" I am not sure how the above website will help you, but it does have some very interesting poetry. Again, we are still working on the many sections of Somalia Online including the search directory so please be patient if you don't find the website you are looking for. Thank you Somalia Online Team Quote Share this post Link to post Share on other sites
Buubto Posted October 5, 2001 To the poster http://www.somalilandnet.com has a wide range of somali songs they almost got every somali singer song trust me is the only hot somali songs websie. Remember to fellow the instructions first u have to register in music section in order to open the song u want to listen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naag-qaawan Posted October 5, 2001 Buubto and Admin thank you for the INfo, Buubto, Abaayo thanks but I asked for the 'lyrics' meaning somali songs written down for us so we can read them instead of listening to them.. anyway, thanks again for the help.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jaber Posted October 16, 2001 of all of the somali songs....there is one when I listen to xididada jidhkayga kaga dhaq dhaqaajisa....here r the few lyrics I still remember haduu beerko qaybsamo badh baan adi ku siin lahaa wadnahayga bidixdana waan kuu bedeli lahaa kaagana waan la bixi waa booli dhiiguyee.....kaa la maa baqayleene nafta laba bahood noqon badhkaagaan ku siin lahaa iyo hadaad cabayso bisinkaan ku dari lahaa faataxana waa kuugu dari lahaa ilaah waxan baryaa aduunyada baraariyo farxad inaad ku waartiyoo aakhirana bishaariyo janada inaad ku baaridaa ------------------------------------- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naag-qaawan Posted October 16, 2001 WOW......Jaber, U have good taste in music, That song is one of my Fav's... This is another one I luv.. Bi'i waa jacaylow Boodheri inuu dilay Been baan u haystee. Bi'i waa jacaylow Boog aan la dhayinoo Cidi baanan karinoo Beerka iyo wadnaa iyo Boggaa kaaga taalliyo Inuu yahay bir caashaqu Been baan u haystoo. Webigoo butaacoo Beeraha waraabshoo Dhulka baadku jiifoo Dhirta ubaxu buuxshoo Canabkii bislaadoo Badarkiyo gallyddii Laga tuuray baalkoo Bulladiyo ciyaaraha Lagu waa bariistoo Beeluhu gu' joogaan Sow beri-samaadkii Beledweyn maan tegin. Dhanka bari magaalada Sow boqorod joogtoo Biyo dahab la moodoo Bilicdii haweenkiyo Bili loo dhammeeyoo timo. Timo boqonta joogoo Baal goray la moodoo Baarkana casaankii Bidix midig is-gaadhoo Bul-cad lagu xineeyoo. Badh ku seexanaysoo Barkanaysa qaaroo Huwanaysa baaloo Igu beer-dilaacshoo U buseelay maan baran. Sow goor barqa ahoo Bishu ay siddeed tahay Aniga iyo Beerluli Isku maannu soo bixin. Sow bariidadayddii Buundada ciyaartee Beled-weyn ku taallee Biyo lula guudkood Badhtankeeda maahayn. Sow bixiso weeyee Ballan maannu dhiganoo Berri joog imay odhan. Sow bayd go'aygii Layguma bushaarayn. Maantaa la baxayaa Bulshadii imay odhan. Sow waa bestayoo socod beegsan maayee Inna baaja caawoo I baxnaansha maan odhan Sow taliye baasoo Ba'noo war-moogi'i Taydii ma beenayn. Sow badiba kooxdii Goortay badheedheen Baabuurka fuuleen Anna baal kamaan korin Boholyow daraaddii Sow baraq nuglaantii Belo lagu ducaystoo Baryo kuma maqnaynoo Biri may xumaatoo Baadroolka daadsho Ka wadaa bukoodoo Bogsan waayo maan odhan Sow beriga waagiyo Barqa kulul dhexdoodii Geed baaxad weynoo Dherer iyo ballaarloo La yiraahdo Baaroo Bilig dheer hirkiisii Ma bidhaansanaynoo Bulxankiisa yeedhiyo Ma maqlaynin baaqii. Sow baaxad soortii Iyo laba boglayntii Maan noqon bestayoo Bacadkii ma dheelliman. Sow galab-boqoolkii Annagoo barwaaqiyo Meel baadle joognoo Tumanaynna Beerray Soomaan baraarugin. Riyo beena weeyee Sow baalla-daymii Baabuur lalaayoo Haad baalle moodoo Nafta sow ma biimayn Nin Benaadir joogoo Beled-Weyn la haysoo Waxaan ahay la baabee Sow baadi doonkii Weli baafis maan ihi Beled-Weyn Allahayow ka dhig beerta raaxada Ka dhig xero baraareed Beerlula Allahayow Belaayada hareer mari Beled-Weyn Allahayow Ka dhig guri barwaaqeed Beerlula Allahayow Beryo samo ku noolee Beled-weyn ka dhig beerta raaxada. Beerlula Allahayow ka bari waxyeelada. ------------------ Anything good I said came from Allah...Anything bad I said...well..thats PMS talking. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hibo Posted October 16, 2001 Wacdaraha adduunka, #1 Favorite of mine, I like the meaning behind the song!! Walaac Anigoo ku seexday maxaan walabahaar la toosay wareer anigoo la liita maxaan werwer jiifi waayey. Maxaan sida weer cadhaysan saqaa dhexe gaaf wareegay intuu waqal ii hillacay maxaan kula rooray weelka u baydhay wadiiqo leexsan wakhtigu i tilmaami waayey. Jacaylku muxuu i wiiqay muxuu wadnahayga shiilay maxaan shimbiraha waraystay u dhiibay waraaq daboolan haaddii wacdigayga qaaday cid wey i tidhaahda waayay. Waayeel dadoow inaan waalanahay duni weer sidoo weligeed dhintoo wacadkiyo xadhkii weydaarataan weetaynayaa Wadeeco maxaan ilaashay waraabe kasoo xareeyey sac weyda maxaan u dhaanshey Walwaal uga soo arooray halkiisa kusoo waraabshey maxaan weli soo kaxeeyey wadaaddo maxaan u yeedhay u loogay wankayga fiican Waxyeello halkay u taallo naftayda maxaan ka waanshey walaalkay niman u haystay muxuu waddo ii fadhiistay qof aan wehelkayga mooday ka qayba galay weerarkayga ruuxaan la wadaagay cunto ku wiirsaday dhiilladayda Waayeel dadoow inaan waalanahay duni weer sidoo weligeed dhintoo wacadkiyo xarkii weydaarataan weetaynayaa Maxaan wacdaraha adduunka u soo jiray waayaheeda warkeeda la ii dhammeeyey maxaa waran layla doonay habeennimo layla waayey nasiib kayga ku waaberiistay maxaa dabin lay wareejey wedkayga la ii shir-qoolay maxaa dacar lay walaaqay waabaay ku caafimaaday Maxaa wacad layla qaatay rumaystay Walaahi beena maxaan webiyaal is jiidhay dhexdooda ka waab samaystay wanaag anigoo sameeyey maxay wadhi ii danbaysay Waayeel dadoow inaan waalanahay duni weer sidoo weligeed dhintoo wacadkiyo xadhkii weydaarataan weetaynayaa ------------------ Ex-Dhilo Now A Muslimo.... 2nd chances in life are the best chances!!........Use them wisely. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faiza Posted October 17, 2001 I love that the Administrators of the site are taking intrest and part in discussions.I think I am gonna enjoy taking part in this site,enjoy being a nomad member.I think Am gonna recommemd this site to all of my friends.It's a profanity free place where evrybody is an adult.I LOVE THIS PLACE!!!! Paece and Harmony now!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hibo Posted October 22, 2001 Aniga runtii heelooyinka soomalida aad ayaan u jeclahay. Naag qaawan: hestaas oo ad soo qortay, waxaa beri iiga sheekeynayeyn ninkii is kalahaa oo ah. Hadraawi. Waalaahi qosolkii iga dhameeyey. Waa balse maraan dheereyn waa 1997. Aabe ayeey saaxib yihiin. waxaan ku keenay sheekadaas. waxaa ii kasheekeynayey heesta iyo sida uu ku tiriyey. Heesti waa hees haad xigmad u leh.... waxaa naasbidaro ah laakiinse maanta ineysan jirin Abwaano la mid ah kuwii aanu naqaaney. Ex-dhilo: that is indeed a very personal song. aaad ayaan u jeclahay. INkastoo uu Maxamed noloshiisii aad u gaabneyd balse heesahiisa everyone can connect to them. Yaanan war idinku daalinin, waa tan hees aad personal iigu ah: Beeni raad ma leh: waxaana heesta qaada, Salaaad Darbi. Ratigaan hayinahay aqalkuu ridaayoo rarka lama dulsaare Dumarkuna ramaas iyo ramad geel nin maaley kaa raacayaane Qalbigeygu tuu rabay raaliya ma noqotoo Run ka gaari waaya Ana waan is raacshayoo riyada iyo hurdada baas Ayaan reer ku ooraa Xalay baan riyoodayoo Ruux ani ii timid raadkeeda gurayee anigiyo raxmoo quraa ayaa ruc isla joognee Beeni raad ma leh... aah aaha aa Beeni raad ma leh..... Beenalow run ma moodaa.. INtaas ayaan idinku filan yaan moodaa....so enjoy!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hibo Posted October 22, 2001 here is a good one.... inanyahow rag iyo dumar rabi baa isu umoo waxa urku uu rabo afka lagama qariyee waan kugu riyodaa waan ku dalay radiskagii weey weey qalbigii ku racaa raysanwayay awgaa iga daa rogrogashada..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
faysal Posted October 30, 2001 kaalaya ma hobolaad tihiin waxaan arkay hablo walaahay aad la yaabayso heesahooda ana waan tumaa cuudka markaa inantii rabtaa in loo tumo waanu utimi weliba EX-dhilo aad ayaan kaaga helay heestii marxuumka lakiin dhardi bahashaad iska daysay ha ku noqon mar danbe by Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hibo Posted December 14, 2001 growing up in the west has it's down sides... i can't understand any of the stuff you guys are talking about. i never actualy listened to somali songs before. i never understood them, so i didn't bother listening. but recently while i was driving to New York with my cousin's they were listining to this song that i realy liked...something about "something...dalkaada hooyo". it's a patriotic song. and i realy liked the lyric. do any of you guys know the song? later guys Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hawd Posted December 15, 2001 EID MUBARIK EVERYONE Hi naag-qaawan, NICE NICK. Anway, i have read your message and i believe you were looking for the full lyrics of the song TOG-DHEER. I am happy to post to you the full lyrics of the song, so take it as EID PRESENT from strange I have posted some of the lyrics to my website but didn't finish off but i will finished here today. You can get the full lyrics of the following songs if you are interested at my website. www.geocites.com/abdikar1. You can also visit it through somalionline personal websites. Hudh Abdi qeys HAATUF HOOYOY GIVE ME SHOUT GUYS IF YOU NEED ANY OF HADRAAWI LYRICS. ......................... TOG-DHEER Ninba wuxuu ku taamaa ama hees ka tiriyaa tixo gabay ku sheegaa halka lagu tallaalee hawadiisu taallee uurkiisu tebayee dumar taan ka sahansaday waa gabadh Tog-dheeroo Maxamuudi toox weyn saddex-qayd ku tolatoo tusbax luqunta gelisoo tafta daray-muuskii taakiyo badh muuqdoo dhaclihii tarraxayoo sida boqorad taash xidhan hadalkeeda tirisoo toddobaatan jeer baan soo toosay xalayoo. Sidan time haldhaaley ugu tebey hurdada xalay anigaba Tog-dheer baa tusku iiga muuqdaa. Ninba wuxu ka taahaa ama talal ku sheegaa ama gacan ku taabtaa halka laga taftaafee BURCO waxay ku taallaa xididdada tin iyo cidhib tebinaaya dhiiggee hadba dhan u tallawshoo dayax taaba-qaadoo toban iyo shan joogiyo xiddigah tartamayee isku taxay dushiisaa tahan iiga hirayoo Tusmo barashadeediyo Taltallaabisigeediyo tarantarinta laafyuhu meeshay i turuqdiyo tawstay i gelisaa igu sii tarmaysoo, Sidan timo haldhaaley ugu tebey hurdada xalay anigaba Tog-dheer baa tusku iiga muuqdaa Tuke Bari ka yimi baan tusay boogahaygoo u tilmaamay beeshoo tebi idhi dhambaalkee; taarkii ma geynoo isma tarin dedaalkuu u tabaabulshaystoo taab-gaabnidiisay naftu xadhiga tawseed ugu turanturootoo la tawaawacaysaa. Miyuu tuuray hadalkii? Miyuu tiray jacaylkii? Mise tulud raqdeeduu ugu taaganyahay geed? Mise wuxu tukanayaa Faral iyo Taraawiix? Mise wuxuu taraarkii kala dhacay Tabciyo SHeekh? Sidan Timo haldhaaley ugu tebey hurdada xalay anigaba Tog-dheer baa tusku iiga muuqdaa........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
LadyFatima Posted December 16, 2001 Alla yarku Fiicanaa! Thanks Hawad, I appreciated... I love this Song walaahi...... Eid Mubarak to you too.... NQ aka Ladyfatima Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wifeyona Posted December 17, 2001 Can some body tell me the Lyrics to the Song JACAYL AAN LAGULA WADINA YUUSAN WAKHTIGA KAA LUMIN??????? I'm Really Dying to know ........ Thank YOU!! Quote Share this post Link to post Share on other sites