Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis Shiinaha & Hindiya Sida Fiinta uga qayliyeen oo Dunidu gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii cimilada oo heshiis lagu gaadhay xilli shaki hadheeyey

Protesters near the COP conference, demonstrating in support of victims of oil exploration
Muddaharaadayaal shirka COP kuwaas oo ka walaacsan sida wax u socdaan

Heshiis looga hortagayo isbeddelka cimilada ee khatarta ah ayaa lagu gaaray shirkii COP26 ee Glasgow.

Heshiiska Cimilada ee Glasgow waa heshiiskii ugu horreeyay abid ee cimilada kaas oo si cad loo qorsheeyo si loo dhimo dhuxusha, shidaalka la qodo, iyo dikhawga hawada.

Heshiisku waxa kale oo uu cadaadis saarayaa dhimista qiiqa degdega ah ee dheeraadka ah wuxuuna u ballan qaadayaa lacag badan dalalka soo koraya – si looga caawiyo inay la qabsadaan saamaynta cimilada.

Laakin ballan qaadyadu uma eka kuwo gaadhay heer si loo xaddido kor u kaca heerkulka ilaa 1.5C.Hindiya waxaa ku soo biiray Shiinaha oo riixaya in la baabi’iyo ballan-qaadkan muhiimka ah, iyaga oo ku adkeystay in “hoos loo dhigo” halkii gebi ahaanbaa “ay meesha ka bixi lahayd”.

Wasiirka cimilada ee Hindiya Bhupender Yadav ayaa waydiiyay sida waddammada soo koraya ay u ballan qaadi karaan in ay meesha ka saaraan dhuxusha iyo shidaalka marka ay wali “la tacaalayaan ajandayaashooda horumarineed iyo cidhibtirka faqriga”.

Inkasta oo qodobkaasi muran weyn dhaliyey haddana waa la isku raacay gorgortan badan ka dib

Chart

Taas oo ka dhigan in ugu dambeyntii, dalalku ay ku heshiiyeen inay “hoos u dhigaan” halkii ay “ka saari lahaayeen” dhuxusha meeshaba, iyada oo ay jiraan hadallo niyad-jab ah oo ay muujinayaan madaxda qaar.

Madaxweynaha COP26, Alok Sharma ayaa sheegay inuu “aad uga xun yahay” sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu siku celiyey ilmada isaga oo ka qaybgelayaashana ku boorriyey in la ilaaliyo heshiiskan.

Maxay yihiin dhibaatooyinka naga soo gaaray Isbadelada cimilada?

Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in uu rajaynayo in dunidu ay “dib u eegi doonto COP26 ee Glasgow oo ah bilawga dhamaadka isbedelka cimilada”, isagoo ballan qaaday “inuu sii wadi doono inuu si hagar la’aan ah uga shaqeeyo hadafkaas”.

Wuxuu intaas ku daray: “Wali waxaa jira wax badan oo kale oo la qabanayo sanadaha soo socda. Laakiin heshiiska maanta waa tallaabo weyn oo horay loo qaaday, si dhab ah, waxaan leennahay heshiiskii ugu horreeyay abid ee caalami ah oo lagu baabi’inayo dhuxusha”

Ergeyga Maraykanka ee cimilada John Kerry ayaa isna yidhi: “Xaqiiqdii waxaan aad uga dhownahay sidii aan waligey doonanay inaan ugaa fogaano qalalaasaha cimilada iyo xaqiijinta hawo nadiif ah, biyo nadiif ah iyo meere caafimaad leh.”

Guulaha ugu waaweyn ee uu qeexayo heshiiskani:

  • Dib-u-booqashada qorshooyinka dhimista qiiqa sanadka soo socda si looga gun gaadho in 1.5C oo bartilmaameed ahi hirgalo.
  • Ballanqaadkii ugu horreeyey ee wadajir ah ee lagu xaddidayo dhuxusha
  • Kordhinta kaalmada dhaqaale ee la siinayo dalalka soo koraya

Iyada oo Heshiiska Cimilada ee Glasgow uu yahay isku day hami leh oo lagu doonayo in lagu xakameeyo sare u kaca heerkulka, haddana isku dhacii daqiiqadahii ugu dambeeyay ee ku aaddanaa dhuxusha ayaa shaki la’aan hadh geliyey mustaqbalka heshiiskaas.

Waxay ahayd tallaabo juqraafi-siyaasadeed ah oo si cad loo soo bandhigay, oo aan wax kala doorasho ah uga tegin dlalka soo koraya iyo jasiiradaha yaryar in ay qayb ka noqdaan uun mooyee.

Tallaabadan cusub ayaa imanaysa ka dib xilli guul kale oo muhiim shiinuhu gaadhay.

Arbacadii la soo dhaafay, wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa ka dhawaajisay in waddanku uu soo saaray dhuxul ka badan intii lagu yaqaannay ee maalinlaha ahayd.

Ilaa 12 milyan oo tan oo walxaha madow ah ayaa la macdaneeyay. Marka tamartaasi la isticmaalo, hal maalin oo dhuxushaas ahi waxay soo saari doontaa qiiq kaarboon, kaas oo qiyaas ahaan u dhigma wax soo saarka Ireland sannad dhan.

Tani waa xaqiiqada kaarboonka ee ee waxyeelaysa hawada maalin laha ah.

Marka loo eego iftiinkaas, heshiiska lagu gaadhay halkan ka dib wada xaajoodyo dheeraad ah ayaa sii socon doona si loo yareeyo waxyaalaha khatarta ku ah nolosha meerahan.

People wade through a flooded street with their bicycles in Nonthaburi province, on the outskirts of Bangkok
Sayniyahannada ayaa qaba in cimilada xumaatay ee daadadka iyo abaaruhu qayb ka yihiin sbeddelka cimillada.

Wufuudda dabada ka riixaysa in horumar weyn laga gaaro arrintan ayaa waxaa ka mid ah kuwa ka socda wadamada Afrika, sida Guinea iyo Kenya, iyo sidoo kale wadamada Latin America, jasiiradaha yar yar iyo wadamada Aasiya sida Bhutan.

Lia Nicholson, ergadii Antigua iyo Barbuda, oo ku hadlaysay magaca dawladaha jasiiradaha yar yar, ayaa tidhi: “Waxaan aqoonsannahay dadaalka gaadhsiisan heer madaxweynanimo ee lagu isku dayo iyo in la abuuro meel bannaan oo lagu helo dhul la wadaago. Waana wixii aan rajaynaynay”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this