Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixinku Saabsan Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Waddani beritto uga furmi doona Maansoor Hotel

Recommended Posts

Deeq A.   
Shir weynihii labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa berri ka furmaya Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,kaas oo ah mid aad u xaasaasi ah ,islamarkaana si weyn loo hadal hayey muddooyinkii ugu dambeeyey.
Shir weynaha Xisbiga WADDANI ayaa ah shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI uu qabsado muddadii uu jiray, kaas oo ay ka soo qayb-gelayaan ergooyin tiradoodu ay dhan tahay sagaal boqol 900 oo ergay,kuwaas oo kale yimi gobolada dalka iyo daafaha caalamka iyo marti sharaf kale duwan oo lagu casuumayo furitaanka shirkaas,kuwaas oo tiradoodu ay kor u dhaafayso laba boqol oo marti sharaf ah.
Shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI oo isniinta berri ah 15 November 2021-ka ka furmaya huteelka Maansoor ee magaalada Hargeys, ayaa soconaya laba maal-mood, kaas oo lagu doorran doonno Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socota hoggaamin doonna Xisbiga iyo shanta Guddoomiye ku-xigeen iyo weliba xoghayaha guud ee Xisbiga iyo ku xigeenkiisa.
Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu ka tanaasulo musharraxnimadiisa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxaana la filayaa in xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI loo dooran doonno Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka Xoghayaha guud ee Xisbiga la sheegay in isna loo dooran doonno Khadar Cabdi Xuseen iyo Xoghaye ku-xigeenka oo isna loo doorran doonno Jamaal Jaamac Xaamud
Xisbiga WADDANI ayaa maalinta berri ah qabsanaya shir weynihiisa labaad,kaas oo si weyn loo sugeyey,isla markaana ay Xukuumadda KULMIYE si weyn indhaha ugu hayso,waxaynu dhawrnaa waa isniinta berri iyo qabsoomida shir weynaha Xisbiga aqlabiyadda shacbiga ee WADDANI.
May be an image of one or more people, people standing and indoor

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this