Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo maanta shaqa bilaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
2-17.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, in ay shaqadooda si madax banaan u qabsadaan, wuxuuna ku dhawaaqay in Dowladdu u fududeynayso guddiga inuu shaqadiisa u qabsado si waafaqsan shuruucda u yaalla.

Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo maanta shaqa bilaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this