Deeq A. Posted November 13, 2021 Shaari-shaari waa erey aad looga isticmaalo waqooyiga Soomaaliya; wuxuu u dhigmaa geddisley. Isku-dhex milanka siyaasadda iyo ganacsiga maamulka Somaliland, oo ay Dr Claire Elder, cilmibaare ka tirsan Dugsiga Dhaqaalaha London (London School of Economics) ay ku gorfeysay warqad cilmiyeed ku soo baxday International Affairs, wuxuu bannaanka soo dhigay dhibaatooyin uu Bangiga Adduunku 2016kii ka digay. “Dowladda Somaliland waxay u nugushahay inay gacanta u gasho dano ganacsi gaar ah, taas oo xaddidaysa awooddeeda inay qaaddo tallaabooyin siyaasadeed danta dadweynaha darteed.” Dhowr sano kaddib qiimeyntan waxaa soo baxay buuggii Xirsi Xaaji Cali ku saabsan taariikh nololeedkiisa. Xirsi, oo ka tirsanaa siyaasiyiinta sarsare ee dolwaddii Axmed Maxamed Siilaanyo hoggaaminayay intuusan iscasilin, wuxuu iftiimiyay sida qaar ka mid ah ganacsatadu ugu adeegtaan awoodda siyaasadda iyagoo ka codsanaya madaxda in suuq loo xiro si aan loola tartamin. “Waxa mar kasta jira oo aan la dhayalsan karin doorka iyo kaalinta ay bulshada siyaasadda ku leeyihiin ganacsatadu iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka guud ahaan u leeyihiin. Sidoo kale waxaa hubaal ah haddii ganacsatada lagu sii daayo maamulka iyo dawladnimada, waxaa dhacaysa xadhig kala jiidasho iyo in mid kastaa uu danihiisa u xusliyo, oo halkaa ay cidhiidhi ku gasho dantii caamka ahayd…” ayuu Xirsi qoray. Xirsi wuxuu ahaa Wasiirkii Madaxtooyada ee Maamulkii Siilaanyo. Weedhiisu way ka culus tahay dhanka sugnaanta hadalka qof bannaanka ka joogay maamulka Somaliland. Waa maxay dowladnimo shaari-shaari ihi? Dowladnimo shaari-shaari ahi waa koox shirkado ah iyo siyaasiyiinta uga awoodda badan oo iska kaashada ganacsiyada dalka dhexdiisa iyo dalalka deriska, oo si cad uga hortaga tartanka uga iman kara gacansiyada kale, yareeyana awoodda dowladda si ay uhelaan faa’iiddo ka sarreysa tan suuqa ka jirta lehna awooddo ay danahooda ku ilaashadaan. Tilmaanta ay Dr Claire Elder ka bixisay hab siyaasadeedka maamulka Somaliland waa mid la mid ah, sida qore ay xiganayso uu qoray, habka suuq-xirashada ee siyaasadda Waqooyiga Afgaanistaan (oligopolistic model ) oo hal qowmiyad ayay tageero uga dhex abaabulato beelaha kale oo si calooshood-u-shaqaystenimo ah ula shaqeeya isbahaysiga siyaasadeed iyo ganacsi. Waxay Claire qortay in isbahaysiga Jeegaantu u samaysmay si awoodda dhaqaalaha loogala wareego huwan siyaasadeed “wax ka dheefay habkii xukunka dadban ee Imbaradooriyaddii Biritayn.” Fursadaha gancsiga oo dhami waxaa la siiyaa ganacsatada ka soo jeedda isbahaysiga uu Madaxweyne Muuse Cabdi ka tirsan yahay, bay doodda Claire u dhacaysaa. Haa buluugga, Maya casaanka: Doorashooyinka maamulka Somaliland qabto way ka sharciyad hooseeyaan kuwii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed abaabuli jiray. Dowladda shaari-shaarida ahi waxay ku tiirsan tahay waxa loo yaqaan nabad-dhowrasho (peaceocracy) si loo sameeyo dimuqraaddiyad xaddidan. Waxaa kale oo sal u ah waxa loo qayaanno qotodheereynta nabadsugidda (securitization). Nooca doorashada maamulka Somaliland qabanaysay intii muddo ah waa kuwo ku shubasho ay saameysay, mararka qaar ay fududeeyeen sirdoonka Galbeedka, ayay ku doodday Claire. Waa nooc doorasho oo dadku ku xalaalaynayaan nidaam siyaasaddiisu ku salaysan yahay cabburin, kordhinta saboolnimada, dhiigmiirtanimada koox ganacsato ah oo maalgelisa qowlaysatada talada haysa si ay hadhow u helaan fursado ganacsi aan lagula tartami karin. Habka doorashooyinka maamulka Somaliland ku qotomo Soomaalidu way soo martay ka hor 1991kii: waa habkii Haa Buluugga, Maya Casaanka, markii Soomaaliya uu ka jiray Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Muxuu ahaa xukunka dadban ee Imbaradooriyaddii Biritishku? Dhammaadkii qarnigii 19aad Imbaradooriyaddii Biritishku waxay heshiisyo la saxiixatay beelo Soomaaliyeed. Heshiiku wuxuu dhigayay in Biritishku ilaalin doono beelaha heshiiska galay. Beelaha waxaa saarnaa waajibaad sida inaysan dal kale heshiis la geli karin, inaysan dhulkooda rahmi karin. Beelaha Soomaalida ee heshiiskaas galay sinna may u jebin heshiiska hase yeeshee Biritishku siyaabo kala duwan ayuu u jebiyay heshiiska: 1- Wuxuu xiray madax caan ahayd sida Suldaan Maxamuud Cali Shire; 2- Wuxuu dhulkii Soomaalidu degganaynd si qarsoodi ah u siiyay Imbaradooriyaddii Xabashida. Ra’iisal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu 1968kii Royal African Society ka sheegay in Biritishku dibindaabyeeyay Soomaalida kaddib markuu jebiyay heshiisyadii uu la galay beelaha Soomaaliya si Xabashidu u hesho dhul Soomaaliyi ku noolayd. 1954kii ayuu Biritishku si rasmi ah dhulkii Soomaalida (Haud and Reserve) ugu wareejiyay Imbaradoor Xayle Salaase, oo ahaa guddoomiyihii Harar oo gibirka ka qaadi jiray Soomaalida qaarkeed. Ismaaciil Buubaa, oo wax ku qori jiray Dalka, wuxuu dhaliilay dowladnimada shaari-shaarida ah ee maamulka Somaliland. Hababka xukunka dadban wuxuu u diiday Soomaalida Waqooyiga inay samaystaan xisbiyo u dhigma SYL (xisbigii Leegada) waayo odayaasha ayuu gumeystuhu u adeegsan jiray xukunka dadban. Carruurta odayaasha caaqiliinta ahaa ayuu Biritishku wax bari jiray oo keliya. Mahmood Mamdani, bare sare, wuxuu buuggiisa caanbaxay, Citizen and Subject: Contemporary Africa and the Legacy of Late Colonialism, ku qoray in habka xukunka dadban lahaa laba weji: marka dadka la gumeysanayo laga hadlayo waxaa shaqaynaya xeerka (customary law ); marka dadka u dhashay awoodda wax gumeysanaysa laga hadlayo waxaa shaqaynaya Common Law (Sharciga Guud). Marka la eego asaaska sharciyeed ee xukunka dadban waxaa soo baxaysa in Biritishku u arkayay Soomaalida dad hargo saxiixay. Haddii ay heshiis saxiixi lahaayeen waxay cuskan lahaayeen Common Law. Aqoonsi La’aan Soo Taagan Claire Elder waxay xigatay Mudane Ismaaciil Buubaa. “Hargeysa hub baa afka haya; weli maskax jabahdeed baa taalla. Maamul horusocod ah ayaa loo baahan yahay” ayuu rug-caddaaga siyaasadeed u sheegay Claire. Buubaa wuxuu ka mid ahaa qorayaashii Dalka, wargeys bille ahaa oo madaxbannaan uu tafaftiri jiray xeeldheere sharci Yuusuf Jaamac Dhuxul. Wargeysku wuxuu soo bixi jiray 1965kii ilaa 969kii. Maqaallo tooshka ku ifin jiray gefefkii maamulkii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ku soo bixi jiray Dalka. Maanta wargeys sidaas u afdheer kama jiro Hargeysa. Nooca dowladnimada uu maamulka Somaliland ku guuleystay unkiddeeda waa dowlad warqad ah (Paper Leviathan). Waxay dowladda noocan ahi ka kooban tahay dowlad li’ (Absent Leviathan) oo keenta kala dambayn la’aan iyo dowlad amar-ku-taagleyn leh (Despotic Leviathan) oo kala-dambaynta dhowraysa hase yeeshee keli-talisnimo ku salaysan. Isku dhafkan dowladeed, oo goor hore ka hanaqaaday meelaha maamulka Somaliland ka arrimiyo, wuxuu awood badan siiyay ganacsatada ku adeegata awoodda siyaasadda. Maamulka Somaliland wuxuu abuuray dabaqado aan shaqaysan karin haddii aan suuqa loo xirin, haddii aysan helin heshiisyo ganacsi tartan la’aan ah, ama haddii carruurtooda aysan shaqooyin ku helin eex. Dabaqaddani waxay is hortaagtaa isbeddel sal iyo baar ah inuu ku dhaco dowladnimada. Sanadkan nin aad ugu dhow dowladda Somaliland ayaa ganacsade Itoobiyaan kula heshiiyay inuu khudradda si toos ah u keeno Hargeysa. Wuxuu isku dayay inuu dhexda ka saaro gaadiidleyda Wajaale ka keenta khudradda. Xisbiga Waddani ayay Claire Elder u aragtaa mid maamulka Biixi beddeli kara dimuqraaddiyeynta qowlaysatada siyaasadeed ku afgobaadsadaan. Dood Hargeysa ka dhacday dhowr billoowd ka hor, ku aadanayd xuskii 30 guurada ku dhawaaaqista goonni-isu-taagga aan weli aqoonsiga helin ayuu agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka xusay awoodda xarga-goyska ah ee ganacsatada. “Xaafaddan aannu hadda fadhinno hal shirkad ayay u xiran tahay oo laydhka iibisa” ayuu yiri madaxa Akaademiga. Dowladnimada shaari-shaarida ahi way ka awood-badan tahay kelitalis, waayo in dadku doorteen ayay ganacsatada iyo madaxda (elites) wax ka dheefa wiiqista dimuqraaddiyaddu cuskadaaan. Warqadda Claire Elder waxay soo baxday dhowr toddobaad kaddib markii maamulka Somaliland si qasab ah Laascaanood uga barakiciyay dad Soomaaliyeed uu u arko shisheeye. Weli cabsi ayaa jirta in maamulka Somaliland barakicinta qasabka ah sii wadi doono. Madadxweyne Biixi wuxuu ku dhaliilay Qaramada Midoobay adeegsiga ereyga Barakicin Qasab ah. Waxay muujinaysaa halista dhalan karta haddii koox ganacsato ah iyo siyaasiyiin ahi leexsadaan oo siday rabaan u macneystaan dowladnimada iyagoo sheeganaya inay dhowrayaan nabadda. Liibaan Axmad libahm@gmail.com The post DOWLADNIMADA SHAARI-SHAARIDA AH EE MAAMULKA SOMALILAND appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites