Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska Duuliye Fu’aad Yuusuf oo ka hadlay xukunka lagu riday?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoyska Duuliye Fu’aad Yuusuf oo ka hadlay xukunka lagu riday?

Jabuuti
Fu’aad Yuusuf Cali

Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 12,000 oo doollar ku ridday duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ka tirsanaa ciidanka dalkaas, taasoo ka careysiisay qoyska Fu’aad.

Fu’aad, oo ahaa duuliye ciidan, muddo 10 sano ahna ciidanka Jabuuti ka tirsanaa ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ee sanadkii hore, ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta militariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

Horraantii bishii April ee sanadkii hore, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Ka dibna waxaa bilowday olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin.

 

Qoyska Fu’aad maxay sheegeen?

Qoyska Fu’aad oo ka falceliyay xukunkaasi ayaa sheegay in habka xukunaasi u dhacay uu ahaa cadaallad darro.

Xaaska duuliyaha, Timiro Jaamac ayaa BBC-da u sheegtay in xukunkaasi iyo ganaax lacageed oo seygeeda lagu riday uu yahay mid u dhacay “qaab aan caddaallad ku saleysan”, waxayna intaas raacisay in qoyska aan loo oggoleyn inay arkaan Fu’aad.

“Isniintii ayuu dhacay xukunka, si caddaalad darro ah, si xeerka iyo xuquuqda aysan dhigeyn ayaa loo xukamay Fu’aad, 9-kii subaxnimo ayaa maxkamada Jabuuti nalagu xareeyay, 11-ka habeennimo ayaana la xukumay Fu’aad”, ayay tiri Timiro.

“Caddaalad darrada aan tirsaneyno waxay tahay in qofkii oo dembigii loo heystay lagu waayay oo haddana xukun qaldan lagu riday,” ayay intaas raacisay Timiro.

Waxay sheegtay in maxkamaddu ay diidday in xukunkaasi racfaan laga qaato. Waxay intaas raacisay in dowladda Jabuuti ay ka codsaneyso inay u oggolaato dibadbax nabadeed.

“Xaalkiisa caafimaad wuu daran yahay, waxaana iigu war dambeysay maalintii la xukumay, dowladdu nooma oggola inaan aragno oo xaalkiisa ka warqabno.” Ayay tiri xaaska duuliye Fu’aad.

Waa kuma duuliye Fu’aad Yuusuf Cali?

Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti.

Duuliyahan u xirnaa dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.

Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.

  • 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.
  • 2014 waxaa loo diray Koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa
  • 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay
  • Bishii March 27, ee sannadkii hore ayuu dhinaca Itoobiya u goostay
  • Magangalyo ayuu bishii April ee sanadkii hore weydiistay Itoobiya
  • 15 April ee sanadkii hore Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jabuuti

Xaaskiisa Timiro oo xogtaas u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay “aaminsan tahay in sirdoonka Itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti.

Timiro oo markii Fu’aad ay xirtay dowladda Jabuuti u warrantay BBC-da ayaa tiri, “Ubadkiisa ayuu u waayaa wax uu siiyo. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah mushaar lama siinin,” ayay hadalka sii raacisay.

“Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00-ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda”, ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa.

Soo musaafurinta qasabka ah ee Itoobiya ee Fu’aad ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanayay qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxayba sheegayeen in duuliyaha uu haslis ugu jiro in lagu dhibaateeyo gudaha waddankiisa.

Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ee reer Jabuuti iyo siyaasiyiin badan oo ku nool dibadda ayaa dhaleeceeyay ficilka dib u celinta Fu’aad Yuusuf ee Itoobiya ku dhaqaaqday.

Waxaa kaddib Jabuuti ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo lagu dalbanayo in Fu’aad xorriyaddiisa uu dib u helo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this