Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxa WHO oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga oo war cusub ka soo saaray Xiisada & Xaaladda Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa WHO oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga oo war cusub ka soo saaray Xiisada & Xaaladda Tigray

 tedros.jpg

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in xaaladda murugsan ay ka taagan tahay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kadib dagaallada sokeeye ee muddada sanadka ah ka socda halkaas.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo isaga qudhiisu kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa weriyeyaasha u sheegay xilli uu ku sugnaa Geneva in gobolka la go’doomiyay.

“Wax dawo dadka ma heystaan-dadka wey dhimanayaan-dadka macluul ayaa lasoo deristay”

Wuxuu sidoo kale sheegay in adeeggii isgaarsiinta gobolka uu hawada ka maqan yahay isla markaana shacabka aysan heysan wax lacag ah iyadoo dadka ay koronto la’aan yihiin.

“Markaa waad garan kartaa saameynta ay dhibaatadan ku yeelan karto caafimaadka shacabka”

Dowladda Itoobiya waxay beenisay in xaalad go’doomin ah ay gelisay gobolka oo ay hor istaagtay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka Tigray

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this