Sign in to follow this  
Deeq A.

Yey yihiin xubnaha lasii ogyahay ee loo saadaalinayo doorashada Galmudug?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhaceyso doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashadan oo lagu soo xuli doono labada Senatar ee ku harsan Galmudug ayaa haatan qaban qaabadeeda waxa ay ka socotaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi.

Illaa afar musharrax oo kusoo baxay liiskii uu soo saaray Qoor Qoor ayaa ku tartamaya doorashada maanta ka dhaceysa halkaasi.

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in guusha doorashada loo saadaalinayo inay kusoo baxaan  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo horay uga tirsanaa Aqalka Sare iyo Cabdi Cismaan Xareed oo u dhow Axmed Qoor Qoor.

Sidoo kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo suga amniga.

Qabashada doorashada labadaan kursi auaa dhammeystireysa doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka.

Si kastaba, waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashada Soomaaliya, iyada oo la guda galay mida Golaha Shacabka Soomaaliya.

The post Yey yihiin xubnaha lasii ogyahay ee loo saadaalinayo doorashada Galmudug? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this