Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Ciidan Badda Ah Ku Dartay Astaan Cusub Oo Ay U Samaysay Ciidamadeeda Qalabka Sida

Recommended Posts

Deeq A.   
20211112_184000-620x264.jpg

 

Dawladda Itoobiya ayaa u muuqata in aanay wali ka hadhin qorshaheedi ahaa inay yeelato ciidan badeed oo ka hawlgala baddaha ku xeeran wadamada ay jaarka yiihiin ee badda leh.

Xukuumadda raiisalwasaare Abiy Axmad ayaa dhawaan soo saartay astaan cusub oo ay u samaysay ciidamada Itoobiya ee qalabka sida waxaanay kusoo dartay calaamadda baroosinka oo ah bir culus oo badda lagu dhex tuuro marka uu markabku dekad kusoo xidho ama hadii uu badda badhtankeeda istaago.Astaanta cusub waxa laga saaray qorigii waxaana lagu badalay waran halka bishi casaydna lagu badalay gaashaan.

Dalka Itoobiya ayaa lahaan jiray ciidan badeed oo saldhigiisu ahaa xeebta dalka Eriteriya hasa yeeshee Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn ka dib markii ay Eriteriya ka go’day oo ay noqotay dal madaxbanasn horaanti sagaashanaadkii qarnigi hore.

Madaxweynaha Somalia ee hadda muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa sanadkii 2018 Muqdisho ku kala saxeexday heshiisyo dhawr ah waxaana ka mid ahaa mid uu Farmaajo ku ogolaaday in Itoobiya ay isticmaasho 4 dekadood oo ku yaala xeebta Somalia.

 

Haatuf

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this