Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay xilliga ay bilaabanayso doorashada Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah doorashada golaha shacabka ay u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in sidoo kale doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeyn doono 24 bisha soo sicota ee December.

Halkaan hoose ka akhris warka kasoo baxay guddiga doorashooyinka

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.

Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala gedisan ee doorashada ee heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.

Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsaday in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.

Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegeen in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid.

Guddiyadu waxay ugu baaqeen madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.

Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynaya dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor.

Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqeen madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo  daneeyayaasha  taageeraya  Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan.

The post Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay xilliga ay bilaabanayso doorashada Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this