Deeq A. Posted November 12, 2021 Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dina Muftii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay haddii la doonayo dagaalka waqooyiga Itoobiya muddo sanad ah ka socda nabad lagu soo afjaro in TPLF looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhowr shuruudood. Afhayeenka oo maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay xafiiskiisa ku qabtay wuxuu sheegay haddii la donayo dagaalka in nabad lagu soo afjaro TPLF looga baahan yahay iney seddex arrimood sameeyaan. “Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka. “Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri. Dowladda Itoobiya oo wacad ku martay inay ka adkaaneyso TPLF Sida Itoobiya ay isu soo bedeleysay 50-kii sano ee la soo dhaafay “Dalka Itoobiya marweliba nabad ayuu doonayaa, maadaamaa dalku uu sabool yahay si horumarka ahmiyadda uu u siiyo” ayuu yiri. Afhayeenku waxaa kale uu sheegay dagaalka deegaanka Tigraay ka soo billaawday oo haatan ka socda deegannada Amxaarada iyo Cafrata inuu yahay mid dowladda raalli ka ahayn balse lagu qasbay. Odayeynta Obosaanjo Madaxweynihi hore ee Nigeriya Olesengo Obosanjo oo dhawaan loo magacabay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Midowga Afrika wuxuu dhawaan kulammo uu la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa TPLF. Wuxuuna Obasanjo BBC u sheegay dadaalka uu u galay iyo kulammada uu la yeeshay labada dhinac midkoodna ineysan diidin baaqi wadahadalka uu ugu yeeray. Diina mar uu ka hadlayey kulanka labada dhinac uu la yeeshay Olesengo Obasanjo wuxuu sheegay Ergeygu inuu ku gudajiro u kuur gelidda xaaladaha dhabta ah ee jira. Wuxuuna intaa ku daraya Obosanjo inuu magaalooyinka Addis Ababa, Maqale, iyo deegaanna kalaba iyo madaxda sare ee midowga Afrikaba kulammo uu la yeelano ay u socdaan. “Mowqifka Itoobiya muxuu yahay haddii la iweydiiyo, annagu nabadda mowqif cusub kama taagnin, waxaanna marweliba diyaar u nahay wax kasta oo caqabad ku noqon kara in nabad la helo sidii meesha looga saari lahaa inaan u golol xaadhno. Haddii wax kasta oo nabadda caqabad ku noqon kara meesha laga saaro ma jirireyso sabab aan waddada nabadda u qaadeyn,” ayuu yiri. Wuxuuna intaa raaciyey Itoobiya iney ka mid tahay waddamadi aasaasay midowga Afrika. Dareenka Midowga Afrikana si gaar ah ayaan u ixtiraameynaa. Dadaal kasta oo Midowga Afrika uu wado si dhibaatada xal looga gaaro dadaal weliba waan ka hormarineynaa waana soo dhaweyneynaa, horayna waxaan u sheegnay xalka Afrika gacanta Afrikaanka ayuu ku jiraa. Xarigga shaqaalaha qaramada midoobay Qaramada Midoobay waxay shaaca ka qaadday in dhawaan magaalada Addis Ababa iyo deegaanka Cafarta shaqaalahooda iyo qoysaskooda lagu xiray. Waxayna dowladda u soo gudbiyeen codsi ah in faahfaahin laga siiyo sababta shaqaalahaasi loo xiray iyo in si degdeg ah lagu sii daaya. Itoobiyana waxay dadkaasi u xirtay ayuu yiri markii ay ku xadgudbeen sharciga xaaladda degdegga ah ee dhawaan dalka Itoobiya oo dhan la geliyey. Qaabkee ayay isku seegeen Itoobiya iyo waddaamda reer galbeedka? Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya “Ha ahaadaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ama cid walba oo dalka Itoobiya ku nool, wuxuu wajib uu ka saaran yahay iney sharciga dalka u hoggaansamaan. Cid kasta oo sharciga u hoggaansaminna sharciga ay fakaneyn. Dad xiran wey jiraan. Dadkaasi xiranna waxay u xiran yihiin maadaamaa ay sharciga Itoobiya ku xadgudbeen gaar ahaanna bayaanka xaaladda degdegga” ayuu yiri. Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka socda ayaa billowday 4-ta bishii November 2020-ka kaddib marki ay dowladda dhexe ee Itoobiya sheegtay xogagga TPLF iney weerareeen saldhigga waqooyi ee ciidamada Federaalka ay ku lahayeen magaalada Maqale. Dagaalka Deegaanka Tigraay ka soo billawdayna wuxuu ku sii baahay deegaannada Amxaarada iyo Cafarta oo bilooyinki u dambeeyey dagaalka xooggiisa uu ka socdo Qaran News Share this post Link to post Share on other sites