Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo war ka soo saaray Heshiiska Maraykanka iyo Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka u Dhaqdhaqaaqa isbadalka cimilada iyo siyaasiyiinta ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay heshiiska lama filaan ah ee Mareykanka iyo Shiinaha ay ku doonayaan inay sare u qaadaan iskaashiga cimilada tobanka sano ee soo socda.

Dhinaca kale Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid dhiirri-gelin ah, balse hey’adda Greenpeace ee deegaanka waxay sheegtay in labada waddan looga baahan yahay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in horaanta  toddobaadka soo socda ay yeeshaan kulan dhanka farsamada ah oo lagu gorfeeyo arrimahaasi.

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in yaeynta ama xadidaadda  heerkulka caalamiga ah ee kor u kaca ilaa 1.5C ay ka caawini doonto bini’aadanku in ay ka fogaadaan saamaynta cimilada ugu xun.

Maraykanka iyo Shiinaha waa labada dal ee sida aadka ah u isticmaala  warshadaha sii daaya qiiqa kaarboonka ee sumeeya hawada.

PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub oo war ka soo saaray Heshiiska Maraykanka iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this