Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES) iyo Adeega danabeysan ee (E-Cabinet).

Wasaaradda Qorsheynta ayaa Golaha la wadaagtay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES), oo ah hannaan casri ah oo online-ka lagala soconayo maamulka iyo xogaha mashaariicda dalka ka socda. Golaha ayaa soo dhoweeyay habkan casriga ah oo daah-furnaanta leh.

Ugu danbeyn Madaxtooyada ayaa Golaha usoo bandhigtay Adeega danabeysan ee (E-Cabinet), waa adeeg sahlaya in Shirka Golaha Wasiirada uu u qabsoomi hab casri ah iyadoo aan la adeegsanayn wax warqad ah. Wuxuu awood u siinayaa adeegaasi in Wasiiradu ay Shirka uga qeybgeli galaan hab-online ah, codkooda ku dhiibtaan, ajandaha iyo wixii falcelin ahna ay ku gudbiyaan.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, diyaarinta habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha ay khuseyso in la dedejiyo howlgelinta adeegan.

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this