Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor-imaadyo ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray buuraleyda Af-Urur

Recommended Posts

Deeq A.   

Rasaas xooggan ayaa saacado ka hor laga maqlay buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada difaaca Puntland ay hawlgal qorshaysan ku qaadeen dabley ka tirsan Al-shabaab oo buuraha isku urursanayay si ay soo weeraraan tuulada Af-Urur.

Dad ku sugan Af-Urur ayaa sheegay in mudda saacado ah Rasaas ka dhacaysay dhinaca buuraha inkastoo aan xog sugan laga hayn khasaaraha labada dhinac.

Saraahiisha Ciidamada ayaa iyaguna Puntland Post u xaqiijiyay in ay hawlgalo qorshaysan ka  fuliyeen buuraha Af-Urur iyo sidoo kale jidka aada dhinaca Sugurre.

PUNTLAND POST

The post Iska hor-imaadyo ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray buuraleyda Af-Urur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this