Sign in to follow this  
Deeq A.

Reer Somalia oo markii ay tashan kariwaayeen miciin mooday isku dhufashada Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa soo fashilmaaya beentii iyo dhalalteedkii Farmaajo taasi oo ay caruurta ka hagi jireen baraha bulshada oo ay kolkii hore odhan jireen calanka Somaaliya xidha si aad isugu dhacdaan booliska Somaliland iyada oo shilimaado lagu iibsan jiray, hadaba arinkaasi markii uu fashilmay waxa miciin la mooday in la isku dhufto Itoobiya iyo Somaliland iyada oo laga duulaayo colaada hada ka aloosan dalkaasi Itoobiya

Waxana baraha bulshada ku soo badanaaya magacyo been abuur ah iyo in ay been ka sheegaan xeebaha Somaliland oo ku sugan gacan adag oo ah ciidamada bada ee Somaliland oo ah quwad so buuxda u ilaalisa badaha Somaliland iyo guud ahaan dawlada iyo shicibka Somaliland oo isku duuban oo dalkooda ilaashada.

Waxa xaqiiq ah in aan sinaba la isugu dhufan karin dawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo xidhiidhkoodu uu ka qoto dheeryahay sida la moodayo ama cadawga xasuuqa hore uga gaystay Somaliland ay ku haminayaan.

Somaliland waa dal sugan bad iyo bariba oo leh dawlad la soo doortay oo heegan ugu jirta sugida amaanka, waxa walaalo ku sheega reer Somaliya lagula talinayaa in ay dalkooda dhistaan oo ciidamada Afrikaanka ee ilaalinaya inta ay ka hoos baxaan ay dantooda gartaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this