Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: ROOBLE oo safar dhulka ah ku tegay Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyoi wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tegay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Rooble ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey bulshada iyo maamulka Shabeelaha Dhexe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni iyo mida nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku xeeran.

Sidoo kale Rooble iyo wafdigiisa ayaa kormeeray dhismaha waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la kulmi doono saacada uu joogo gudaha Balcad waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Ammaanka ayaa dhinaca kale si weyn loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada iyo duleedkeeda, si ay u sugaan amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Waa booqashadiisii ugu horreysay ee uu Rooble ku tegay Balcad, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, safarka Rooble ee Balcad ayaa dad badan ku noqday lama filaan, maadaama ay magaaladan u nugushahay weerarada ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab.

255907605_3113248652239581_8498222209493 255946826_3113248735572906_5736461906850 253220248_3113250182239428_4055042532497 255583325_3113248802239566_2269572050328 255734579_3113248902239556_3430077431921 255763951_3113248588906254_4191950313851

The post Sawirro: ROOBLE oo safar dhulka ah ku tegay Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this