Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rooble oo kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynaha HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqasho uu ugu kuur-galayey xaaladda nololeed ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo la wadaagay baahiyaha nololeed ee ka jira deegaanka, qorsheyaasha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta dowladda iyo shacabka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay mashaariic horumarineed oo dowladdu ay ka waddo Balcad iyo guud ahaan Gobolka, kuwaas oo ay ka mid tahay waddada gabo-gabada mareysa ee isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

Injineerrada iyo howlwadeennada ka socda dalka Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan, taas oo rajo gelinaysa koboca nolasha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiga ee sida nafhurnimada leh ugu howlgalay hirgelinta iyo dhismaha mashaariicdan, waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada hortaagan horumarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida buundada Iyo suuqa degmada Balcad.
79a59c50-6356-4771-b392-bee57dfd888a.jpe IMG_4931.jpeg IMG_4932.jpeg IMG_4933.jpeg IMG_4934.jpeg IMG_4935.jpeg IMG_4936.jpeg IMG_4937.jpeg IMG_4938.jpeg IMG_4939.jpeg IMG_4941.jpeg IMG_4942.jpeg IMG_4943.jpeg IMG_4944.jpeg IMG_4945.jpeg IMG_4946.jpeg IMG_4947.jpeg IMG_4948.jpeg jidka-balcad.jpeg IMG_4950.jpeg waddo-jid.jpeg IMG_4952.jpeg IMG_4953.jpeg IMG_4953-1.jpeg IMG_4957.jpeg IMG_4958.jpeg IMG_4959.jpeg IMG_4960.jpeg

The post Sawirro: Rooble oo kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this