Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada Danab oo burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay howlgallo ka sameeyeen galbeedka magaalada Kismaayo.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Labi-Kus, Qudus, Yaaq-Dabeyl, Dharkeyn oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiisha Danab ee hoggaamineysay howl-gallada ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ka hadlay howl-galladaas ayaa shaaca ka qaaday in ay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab lacago ku qaadi jireen iyo xarun u aheyd maxkamad.

Xaaladda deegaanada laga sameeyey howl-gallada ayaa haatan u aad kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Jubbaland ka socday howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada Jubbooyinka ee maamulkaas.

FB_IMG_1636629116962.jpg FB_IMG_1636629119388.jpg FB_IMG_1636629124793.jpg

The post Sawirro: Ciidamada Danab oo burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this