Deeq A. Posted November 10, 2021 Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda safar aan la sii shaacin ku yimaado caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sida wararku sheegayaan Garoowe ku yeelan doono shir gaar ah oo ku saabsan doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa markii hore qorsheeyay in ay Nairobi ku kulmaan balse madaxweyne Deni ayaa safarkaas ka baaqday. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa isna la filayaa in uu Puntland yimaado Sabtida soo socota si uu kormeer ugu sameeyo xarumaha loo qorsheeyay doorashada Aqalka hoose. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites