Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjire cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16364599178455755.jpg?resize=720%

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay dowladda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirkka Tapiola.

Danjiraha dowladda Finland Tapiola ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Finland Mudane Sauli Niinisto, waxa uuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

FB_IMG_16364599049444760.jpg?resize=720%

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo iskaashi. Waxa uuna Danjire Tapiola bogaadiyey horumarka ballaaaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, isaga oo Madaxweynaha uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Labada Dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub, guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-dhiska dalka, dib-u-heshiisiinta, maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Ugu dambayn, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo danjiraha cusub ee Finland ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjire cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this