Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen ROOBLE iyo kaaliyaha xoghayaha QM ee Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobey, taas oo ay hoggaamineysa xoghayaha guud ee arrimaha Afrika.

Rooble iyo wafdiga ay hoggaamineyso Mss. Martha Ama Akyaa Pobee ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso doorashada Soomaaliya ee 2021-la.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diirada lagu saaray xaqiijinta qoondada haweenka.

“Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay  qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS,” ayaa lagu yiri warka kooban ee ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxa kulankan lagu soo qaaday mashaariicda horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha QM.

Waxaa sidoo kale kulankan oo uu goobjoog ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan looga hadlay howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ee dalka.

Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa si weyn u taageerta dowladda federaalka, waxayna si dhow ula socotaa doorashooyinka dalka oo marxalado kala duwan laga soo maray.

253880899_3111141562450290_2360555249462 254539806_3111141629116950_3253459132836 254972804_3111141585783621_4243606747986 253840485_3111141359116977_6536488017251 253841049_3111141372450309_3211827524687

The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen ROOBLE iyo kaaliyaha xoghayaha QM ee Afrika? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this