Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga khilaafaadka doorashooyinka oo go’aan kasoo saaray kursiga Mahdi Guuleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa go’aan rasmi ah kasoo saaray dacwaddii laga gudbiyey kursiga dhawaan loo doortay Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar.

Guddiga ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed loo maray habraacii saxda ahaa, sidaasna ansax ku yahay.

Guddiga ayaa sheegay inay baaritaan dheer ku sameeyeen dacwadda uu soo gudbiyey Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horey ugu fadhiyey kursigaan isla markaasna aysan jirin wax ka qaldan habka loo maray doorashada kursigaan.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri:

Guddiga Xalinta Khilaafanadka Doorashadadka Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Qodobada 1 2ad iyo 4 ee ku xusan xilalka iyo waajibaadka GXKHDD ee Habraaca lagu dhisay guddiga oo soo baxay 1- dii Oktoober 2020, cuskanaayana heshiiska odayaasha dhaqanka iyo cadeymaha guuddiga loo soo gudbiyay wuxuu go’aamiyay :

1-In Hanaanka loo maamuley Doorashada Kursi Lanbar HOP#239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan Habraacii loo dajiyay Doorashooyinka dadban 2020/2021, sidaas darteed waxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in ay u fasaxan yihiin laga bilaabo maanta oo ah 08/11/2021 Ku dhawaaqista Natiijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOPH239.

Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xubnaha Guddiga uu dacwad u gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo kursiga ku fadhiyay Afartii Sano ee la soo dhaafay, taas oo ugu dambeyn Maanta go’aan ka gaareen.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga oo dhameystiran
FB_IMG_1636372439417.jpg
FB_IMG_1636372442332.jpg

The post Guddiga khilaafaadka doorashooyinka oo go’aan kasoo saaray kursiga Mahdi Guuleed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this