Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
1-13.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS.

Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this