Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ka Dhacay Xadka Canfarta Iyo Soomaalida Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Cadeyti)-Wararka ka imanaya deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu saaka ka dhacay aagga Caydhkaal oo dhanka bari ka xigta Magaalada Cadeyti ee Gobolka Siti.

Sida ay BBC u sheegeen dadka deegaanka dagaalka waxaa soo qaaday ciidamo ka soo duulay Deegaanka Canfarta.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 6 kale.

Maamulada labada deegaan ee Canfarta iyo deegaanka Soomaalida ayaan wali ka hadal dhacdadan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this