Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Howlgallo Dad Lagu Soo Qabtay Oo Ka Dhacay Gaalkacayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada booliiska gobalka Mudug ee Puntland oo xalay howlgallo qorsheysan ka fuliyay magaalada xaafadaha magaalada Gaalkacayo ayaa gacanta ku soo dhigay Horjoogaha Shabakad ka ganacsata Qamriga.

Howlgalka ciidamada oo si gaar ah uga dhacay xaafaddaa garsoor ee magaalada Gaalkacayo dhinaca Puntland ayeey ciidamada gacanta ku dhigeen Horjooge ay sheegen in uu hormuud u ahaa shabakad magaalada Gaalkacayo iyo deegaanada Puntland soo gelisa Qamriga.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen hub uu lahaa ninka la qabtay, ciidamada ayaa sidoo kale intii uu socday howlgalka waxa ay qabteen shabakaddii la shaqeyneysay ninka oo uu hormuudka u ahaa.

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this