Deeq A. Posted November 7, 2021 Hordhac : Muuqaal aad u qurux badan oo rajo iyo hiigsi gelinaya bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ayaa ka bidhaamay doorashadii 25 bishii tobnaad ee sannadkan ka dhacday saddex degmo oo kamid ah degmooyinka Puntland (Ufayn, Qardho iyo Eyl). Doorashadaasi waxa ay ahayd dhacdo waddani ah oo qiima weyn u leh bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan bulshada Puntland ee u hammuun qabta isbedelka iyo horumarka, waa dhacdo u baahan in lagu sameeyo qiimayn balaadhan si loo sii horumariyo, waxa ka khaldamayna loo saxo, ujeedadduna waa in rajadaas u bidhaantay bulsha-weynta Soomaaliyeed loo ilaaliyo loogana midha dhaliyo. Xarunta HADAF ee Cilmi-baadhista iyo Horumarinta oo ka duulaysa masuuliyaddeeda waddaniyadeed, qorshayaasheeda waxqabad ee soo gudbinta aragtiyaha wax lagu saxaayo ee kala duwan iyo baahida taagan ee loo qabo in wax laga qoro doorashadan taariikhiga ah waxa aan soo bandhigaynaa qoraalkan hoose ee uu diyaariyey C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan (Qoraa, u dhaq-dhaqaaqe arrimaha bulshada). Qoraagu waxa uu ku eegayaa qormadan hoose “Maxa Laga Bartay Doorashadii hordhaca aheyd?’ gaar ahaan casharadii tognaa iyo kuwii tabnaa, ugu danbeyna waxa uu ku soo gaba-gabeynayaa talo-soojeedin ku socota cidkasta oo saameyn ku leh ama ay khuseyso doorashadani. Waa qormo bilow u noqon doonta daraasado iyo qoraalo badan oo xarunta HADAF kaga qayb qadan doonto sidii hannaankan cusub uu u sii taabo-geli lahaa loogana midho dhalin lahaa; si isbedel iyo horumar loogu sameeyo nidaamka doorashooyinka iyo maamul ee Puntland. Ugu horreyn : waa maxay doorasho? Doorasho waa Aayo katalinta iyo ka go’aan gaarista cidda ku haboon inay hogaamiso ummad si loo gaaro mustaqabal ka wanaagsan xaaladda lagu jiro ama loo gaadho yool ay bulshadaasi hiigsaneyso. Sida ku qeexan qaamuuska Oxford-ka doorashadu waa “Hab ama xulasho maamulan taasoo codayn ku dhacaysa oo qofku dooranayo xafiis siyaasadeed ama boos kale”. Taariikhda doorashooyinka ayaa soo bilowday kahor dhalashadii Nabi Ciise (Calayhi Salaam) markaas oo ay Giriigu bilaabeen dajinta xeerarka xukunka iyo awood qaybsiga, oo xitaa haddii qof magaalo laga cayrinayo waxay u qaadi jireen afti, oo haddii dadka intiisa badan u codeeyaan in qofkaa bulshada laga dhexsaaro way ku fulin jireen. Sidoo kale waxay Roman-ku dooran jireen boqoradoooda iyo madaxda kaniisadaha, qaababka doorashaduna waxa ay ahaayeen kuwa kala duwan oo gobol walba mid ku haboon ayuu lahaa, sida hadda nooca Xukunka wadamadu u yihiin kuwo kala gedisan. Dowladdii Islaamka – bilowgeedii hore – waxaa doorashadu ahayd qaab matalaad ah oo (shuuro) la oranjiray oo Inta “Ahlul Xalli Walcaqdigu” waxgaradka ay wax ka go’aan ay Bayco la gali-jirtay khaliifka muslimiinta kuwaasoo inta kale matalaysa, waana habkii lagu wada doortay 4-tii khulafo ee ugu horreeyey. Taariikhda cusub waxa ugu caansan dowladda Maraykanka oo iyada doorashooyinka soo qabanaysay in ku dhow 200 Sanno oo ilaa 46 Madaxweyne lagu soo dooratay. Haddaba, ummadahu doorashooyinka waxay u qabtaan si ay u helaan MATALAAD DHAB AH iyo nolol fiican uguna abuurtaan xasilooni, waxa ay iska dhexdoortaan kuwooda ugu fiican ee tilmaamaha hogaaminta leh, wuxuuna hogaamiyahaas la doortay uu fuliyaa ballanqaadkiisa iyo hiigsiga bulshadiisa. Sooyaalka doorashooyinka Soomaalida ayaa ah mid aan taariikh dheer lahayn marka laga yimaado hababka dhaqanka ah ee lagu dooranjiray Isinka beesha ama nabadoonka oo lagu caano shubo kaasoo xukunkiisa ku koobnaa beesha uu ka dhashay iyo inta la olloga ah, wuxuuna garsooraa waxa beesha dhexdeeda ah ama beel kale dhexmarto oo ugu badan Magaha, Qaamaha iyo marka hablaha la kala guursanayo ama dagaaladu dhacaan oo nabada la raadinayo, mana jirto waajibaad isinka saaran oo lagala xisaabtamo oo waa hab is dhaxlid ah oo uusan ku mutaysan xil ka qaadis ama canaan hadii uu gudan waayo xilkiisa (degaanada qaar). Markii ay Soomaalia xuriyadda qaadatay 1960-kii oo ay dowladdii rayidku jirtay doorashooyinkii dhacay kuwa kooban ayay ahaayeen waxana ugu dambaysay 1968/69-kii iyadoo dad badani aaminsanyihii in musuq baahsan ka dhacay, ugu danbeyna waxa xukunka gacanta ku dhigay dowladdii kacaanka waxana dorashadaas loogu magac daray “Foot Khasaaro”. Intaas wixii ka dambeeyey doorasho toos ah dalka kama dhicin marka laga yimaado Somaliland oo dhowr doorasho oo heer madaxweyne iyo mid degmo lagu qabtay waxayna tahay tusaale fiican oo la mahdiyey haba lahaato dhaliilo balse waa nidaam Soomaalida kale ay kaga horrayso. Doorashadii 3-da degmo ee hordhaca ahayd ee Puntland. Isku-day badan kadib, Puntland waxa ay qayb ahaan hirgelisay nidaamka xisbiyada badan, waxa ayna qabatay doorasho hordhac ah oo kamid ah doorashooyinka golaha deegaanka degmooyinka Puntland. Doorashadan oo ka dhacday saddex degmo oo kala ah Ufayn, Qardho iyo Eyl ayaa waxa ka qayb galay dad weyne gaadhaaaya 28,854 oo qof oo ka mid ah 46,839 qof ee is diiwaangeliyey, halka kaadhka cod-bixinta ay qaateen 37,578 qof, waxaana ku tartamay 8 urur siyaasadeed ( 1 urur ayaan ka qaybgelin) ee ka diiwaangashan guddida doorashada Puntland ee kumeel gaar ka ah (TPEC). Waa markii ugu horreysay oo doorasho “qof iyo cod” ah ka dhacdo Puntland muddo ku dhow 23 sano, waxana libteeda qaadaanaya Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku dhiiraday in uu nidaamkan hirgeliyo, haddii uu dhamaystiro doorashada inta hartayna waxa ay u noqon rikoodh uu jebiyey oo lagu xusi doono. Puntland ayaa –haatan- ku dhisan xukun awoodda ay leeyihiin beelaha, waxana odayaasha dhaqanku soo magacaabaan cidda baarlamaanka ku matalaysa, kuwaasoo iyaguna doorta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland. Qaabkan la isku dooran jiray ayaa waxa hareeyey musuqmaasuq iyo eex badan, waxaana jira beelo/dad badan oo ka cabta habkan doorashada ah, sida badana waxa kusoo baxa xildhibaano aan u qalmin mataaladda dhabta ah ee dad weynaha ku nool Puntland oo lagu qiyaaso in ku dhow 4 million oo ruux, hase ahaatee, wuxuu nidaamkaasi Puntland siiyey xasilooni iyo wada noolaanshiyo bulshada dhexdeeda ah, iyada oo marjiciyadda khilaafka markasta loola carari jiray hogaanka dhaqanka. Waxa kale oo aad u wiiqay sharafkii iyo sumcaddii madax-dhaqameedyada. Fursadda Maanta aynu heysano yeynan ina seegin!! Nidaamka xisbiyada badan waxa uu fursad siinayaa dad badan oo tayo iyo sumcad ku dhex leh bulshada, waxa uuna soo saari karaa hogaan waa cusub u horseeda gobolada Puntland oo ku yaalla deegaan muhiim ah (Strategic) ah, taariikh ahaana door fiican ku leh siyaasadda Soomaaliya iyo xasiloonida geeska Africa, taasina waxa ay dhici kartaa marka waddo sax ah loo maro hannaanka maamulidda doorashooyinka degmooyinka hadhay. Si guud, bulshada Puntland ayaa si aad ah u soo dhaweysay doorashadan iyada oo la ogyahay in ay si aad ah uga niyad jabsanaayeen habkii hore ee lagu dooran jiray masuuliyiinta iyo madaxda kaas oo ku dhisnaa musuqmaasuqa, eex iyo dulmi, una dhawaa inuu burbur iyo isnac weyn ku keeno jiritaanka Puntland. Guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashada Puntland (TPEC) ee uu madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni iyo Baarlamaanku u soo xuleen inay daadihiyaan doorashadan ayaa u badan xubno aan horay uga soo shaqayn wax-doorashooyin ah balse waxa ay ku suntan yihiin inay yihiin shakhsiyaad firfircoon oo aqoon iyo khibrado maamul oo kala duwan leh, sida ay u qabteen doorashada hordhaca ahayd ee saddexda degmo (Ufayn, Qardho iyo Eyl) ma ahayn mid dhaliil xoog badan leh balse waxa ay ka tarjumaysay khibradooda doorashooyinka, walina waxa ay usii baahanyihiin xoojin iyo awood siin, waxaase marag ma doonto ah in guddidu u muuqdaan in ay ka go’antahay hirgelinta iyo dhammeystirka barnaajimka doorashooyinka, waxaana arrinkaas qiray Kor-joogtadii ka socotay beesha caalamka iyo bulshada reer Puntland. Sidaa darteed, fursadan qaaliga ah ee bulshada Puntland soo martay ayaa muddan in hareeraha laga istaago sidii looga midha dhalin lahaa, rajada iyo yidadiilada shacabkana loo soo celinlahaa. Casharada Togan:- 1- Doorashadani waxa ay soo noolaysay rajadii iyo yidadiilada bulshada, waxa ay dad badan u caddaysay inay suurta-gal tahay in si xor ah loo dooran karo hogaanka ay rabaan. 2- Doorashadu waxa ay dhiirri-gelisay dad badan oo nidaamkii hore caqabad ku ahaa inay hankooda hogaamineed soo bandhigaan ama matalaad ka helaan xillalka dowladda sida; beelaha laga tirada badan yahay, haweenka, gaar haan dhalinyarada oo u muuqda inay yihiin tirada ugu badan dadweynaha Puntland (70%). 3- Dadweynaha oo si xamaasadi ku jirto goobaha coddeynta ugu soo kallahay, waxa ay safafku noqdeen kuwa dhaadheer, dadkuna waxay u adkaysanayeen qorraxda iyo rafaadka si ay codkooda u dhiibtaan, waxay astaan fiican u tahay inay dadku u hamuun qabaan nidaamka Axsaabta badan. 4- Doorashadu waxa ay ku dhacday Jawi xasiloon, mana jirin wax dhacdooyin Amni daro ah oo la soo tabiyey taas oo caddeyn u noqon karta in bulshadu tahay bulsho nabdoon oo dowladnimada u bisil. 5- Guddida doorashada waxa ay u dhamaystirtay goobaha codeynta dhammaan agabkii lagu codayn lahaa iyo shaqaale ku filan maamulidda goobaha iyo hagista codeeyayaasha. Arrinkan ayaa ka dhigaysa – iyadoo hadana shaqadu ku cusbayd – in ay awood guddigu u leeyahay sii maamulida doorashooyinka dhiman iyadoo ay barbarsocoto tababarista shaqaalaha doorashooyinka iyo wacyigelinta bulshada. 6- Warbaahinta oo si heer sare ah u tabisay taasoo sumcad xoog badan u yeeshay doorashada hordhaca ah ee Puntland ka dhacday, waxayna Soomaalida oo dhan la socdeen sida doorashadu u dhacaysay, heer Faysal Cali Waraabe reer Puntland ku tilmaamay kuwa gadi kara Doorashadooda “lakala faani og”. 7- Kaalinta Bulshada rayidka Puntland oo si fiican uga dhexmuuqday doorashada, doorashooyinka soo socdana waa in bulshada rayidka qaybaha ka maqan ay korjoogteeyaan qaybna ka noqdaan. 8- Madaxda dowladda Puntland oo ololaha iyo doorashadaba si fiican uga muuqday taasoo dhiirri-gelin fiican siisay bulshada. Waxa kale oo ay tusaale u ahayd in nidaamkan horay loo qaban karay oo ay waajib ku tahay madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash inay xamaasada ay shaqada ku bilaabeen ku dhamaystiraan. 9- Natiijadii dooarshada; waxa ay meesha ka saartay cabsi weyn oo dhammaan ururadu (ma jiro Urur helay in ka badan 50%) qabeen oo ahayd in lagu shubto ama laboobo codadka. Arinkan ayaa ka dhigan inay adagtahay ku shubasho ama boob oo bulshadu waa feejigantahay. Casharada Taban:- 1- Doorashadu waxay dhacday iyadoo aan la samayn: – a. Maxkamadii Dustuuriga ahayd. b. Iyada oo aan la tiro koobin dadweynaha 3-da degmo. c. Iyada oo aan la astayn xuduudaha Degmooyinka. (haddi la sameeyey lama soo ban dhigin). d. Maxkmadda sare oo waqtigu ka dhacay oo aan la soo magacaabin xubnihii cusbaa. e. Iyadoo aa hub ka dhigis la samayn (mar xaaladan way adagtahay, balse waa qodob curmaayin kara doorashooyinka, ugu yaraana waa in hubka culus iyo gawaadhida laga wareejaa beelaha iyo shakhsiyaadka aan sharciga u haysan). Arrimaahaas oo dastuuri ah waa la jabiyey waana la fududaystay, waxaana ka dhalan kartey khatar fashilin karta Doorashada oo dhan. 2- Wacyigelinta bulshada oo aad u hooseesay, waxayna sababtay: a. Is-diiwaangelinta oo yareyd: Waxa lagu tilmaamay tirada dadaka is-diiwaan geliyey inay ahaayeen xaddi aad u yar, taasina waxa ay keentay in degaane kale laga soo daabulo bulsho kale. Sida ay sheegeen (ilo Madax banaan iyo Bayaankii ay soo saareen Madasha Ururada Siyaasadda Puntland – PPF 30/10/2021). b. Wacyigelin la’aanta waxaa ka dhashay inay khasaaraan codod badan, (tiro ku dhow 3,366 cod ayaa xumaaday- TPEC). c. Ururada qaar ayaa wacyiga dadweynaha ee hooseeyey uga faa’iidaystay inay doorasha ka hor dhaqaale iyo agab siiyaan taasoo u eg laaluush heer Bulsho ah (Public bribing) ama lagu ololeeyo hantida guud, oo bulshadu kala sixi waydo waxa lagu dooranayo ururka iyo xubnaha u sharaxan. waxayna u muuqatay inay qiimeeyaan ajendaha Ururka iyo qorshihiisa waxqabad, mana aysan ahayn in lagu in-dhosarcaadiyo bulshada xoogaa ay ururadu qabteen doorashada ka hor oo ma jirinba cid kula xisaabtamaysay maxaad noo qabateen ee su’aasha meesha oollayd ayaa ahayd muxuu yahay qorshaha iyo waxa aad noo qabanaysaan hadaan kalsoonida idin siino? Ururada kaalin weyn ayaa ka saaran inay wacyiga bulshada dhisaan ilaaliyaan karaamadooda iyo rabitaaankooda. 3- Farsamo ahaan waxa jiray khaladaad ama culeysyo badan oo ku saabsan dhanka qorshaha, tusaale Isu dheellitirnaan la’aan xagga goobaha codbixinta taas oo keentay in goobaha qaar lagala kulmo daal, rafaad iyo taagni xad dhaaf ah. Waxa kaloo jiray in goobaha qaar ay ku yaaleen meelo cidhiidhi ah oo meelha dadku soo marayaan ama istaagayaan uu culeys ka jiray. 4- Dhallinyarada ayaa wali dib isu dhigid iyo fududaysi kaga jira mashruuca doorashada gaar ahaan kuwa aqoonta leh ee shaqeeya, waxaadna moodaa inay fagaaraha u baneeyeen dhallinyarada shaqo la’aanta ah. Qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradaas aqoonta leh ayaan jeclayn inay siyaasadda hoos kasoo bilaabaan waana halka sartu ka quransatahay. Dhibka jiraa waxa weeye in qof walba rabo inuu siyaasadda ka bilaabo booska ugu sarreeya, ayna inta badan ka maqan tahay meesha khibrad iyo waaya aragnimo. Waxa dhacda qof aan bulshada u soo adeegin ama duruufahooda la socon in uu boos go’aan gaadhista si fudud ku tago, hadhowna meel uu ka bilaabo garan waayo, ama uu dhexgalo Musuqmaasuq karkaarka weydaariya oo muddo kooban noloshiisa isu badasho mid gurucan oo aan caaqibo lahay. 5. Xarumaha Cilmi-baarista ee madaxa bannaan iyo dadka aqoonta leh ayaan wali kaalintoodu muuqan, waxa ayna ahayd in doodo laga qabto, cilmi-baaris-na laga sameeyo doorashooyinka heer degmo iyo hannaanka axsaabta badan faa’iidooyinka iyo dhaliilaha uu yeelan karo, oo doorashadu aysan noqon wax mashruuc lagu soo qaato kaliya ee ay tahay mashruuc waddani oo hay’ad walba iyo qoraa walba lafa guri karo. Arrimo kale oo muhiim ah: Waxa jira arrimo badan oo u baahan iftiimin iyo wax-ka qabasho sida: 1. Ilaalinta Bilowga muushruuca doorashada: Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Qur’aan Alif ka khaldamay Albaqra kama saxmo” oo ah wax kasta oo xagga hore ka xumaada inaan natiijo fiican laga gaadheyn waa hubaal, waxaa muhiim ah in doorashadan oo xilli bilow ah maraysa laga ilaaliyo wax kasta oo dhammaadkeeda wax yeelaynaya. Waxa lawada arkaa fool-xumada, musuqmaasuqa, boobka ka muuqda doorashooyinka dad-ban ee Soomaaliya laga qabto taas oo keentay in ay ku soo baxaan dad aan bulshadu rabin ama hogaanka waddanka hanan Karin isla markaana sii fogaysay shaqada dowlad dhiska iyo isla-xisaabtanka. Doorashadan curdinka ah waxa ay rabtaa in laga ilaaliyo wadadaas foosha xun inay cagta saarto. 2. Metelaadda tirada badan: Golayaasha deegaanka Degmooyinkii hore waxa ay ku dhisan yihiin hab qancin beeleed ah taas oo keentay degmo tirada dadka ku nool ay aad u yartahay isla markaana baahi u qabta adeeg bulsho oo tira badan in xubnaha golaha deegaanku gaadhaan in kabadan 25 xubnood tusaale ahaan, taas oo culeys weyn ku ah qabsoomida doorashada iyo shaqada ka danbaysa ee golaha deegaanka, ayna dhici karto marmarka qaarkood in tiradaas badani caqabad ku noqoto shaqada golaha deegaanka iyo go’aan qaadashadiisa. Waxaa xusid mudan in magaalada Hargeysa oo ay ku nool yihiin tiro aad u fara badan oo dad ah goleheeda degaanka aanu ka badneyn 13 xubnood!! 3. Khatarta doonista qabaa’ilka: Waxaa dhici karta in qabaa’il fara badan oo hore u heli jirey kuraas iyo mataalaad badan in marka nidaamkan loo guuro ay suura gal tahay inay waayaan kuraastaas isla markaana ay bilaabaan sidii ay khalkhal u gelin lahaayeen hannaankan, waa arrin u bahaan saameynteeda in la sii daraaseeyo lagana gaashaanto. 4. Hubka bulshada gacanteeda ku jira: Waxa uu khatar joogta ah ku yahay guud ahaan Puntland gaar ahaan isbedel kasta oo lagu talaabsado. 5. Abaabulka iyo Wacyi-dhiska bulshada: Waxa saameyn weyn ku leh baraha bulshada, waxana si aad ah uga gaabiyey xarumaha waddaniga ah iyo haldoorka bulshada. waxa hadda fagaarayaasha haysta dad aan xikmad bulshada kusoo kordhin Karin, kana hadla arimo khatar ku ah dhaqanka iyo midnimada bulshada. 6. Xorriyadda aragtida iyo Fikirka: Waa Wadnaha doorashooyinka xorta ah iyo awoodda isbadalka iyo toosinta dowladaha, la’aanteedna ummadi ma hormari karto, Astaanta ugu horaysa kaligii-talisnimadana waa caburinta iyo xayiraadda fikirka xorta ah. Dowladdu waa inay xariyadda fikirka iyo kala duwanaanshiyaha ilaalisaa oo u dulqaadataa farku fiiqa iyo qod-qodista mucaaradka, warbahaantina lasiiyaa xoriyad inay ku shaqayso iyadoo dhammaan lawada ilaalinayo Maslaxadda caamka ah, laga dheeraada kicinta iyo aflagaadada, xogaha marin habaabinta ku dhisan iyo dhaqan xumo walba. Talo Soo jeedin: 1- Waa in dhammaan qaybaha bulshada iyo xukuumaddu iska kaashadaan isla markaana meel uga soo wada jeestaan sidii hannaanka doorashada “qof iyo cod” iyo nidaamka xisbiyadda badan ee haatan inoo bilaabmay hore ugu sii socon lahaa, waxa ku jira jiritaanka iyo horumarka Puntland. 2- Wax walba oo Carqaladayn kara nidaamka xisbiyada badan waa in laga baaqsadaa oo ay ugu horrayso tartanka ka dhexeeya ururada oo la rabo inuu noqdo mid caafimaad qaba oo ka fog qabyaalada iyo musuqmaasuqa. 3- Dhammaystirka shuruucaha iyo qodobada kale ee dustuuriga ah ee ku xidhan qabashada doorashada sida: a. Maxkamadda Dustuuriga b. Xadaynta Xuduudaha Degmooyinka. c. Tira koobka Dadweynaha: inkastoo dad badan u arkaan inaanay saameyn ku yeelan karin doonista bulshada iyo doorashada guud ahaan. 4- Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah (TPEC) waa in loo sii madax banneeyo howsha ay hayaan, dhaqaale ku fillanna loo raadiyaa si doorashada degmooyinka haray hal mar u wada dhacdo, iyadoo ay ku dadaalayso fulinta dustuurka iyo xeerka doorashooyinka Puntland. 5- Xildhibaanada la doortay ee Golayaasha Deegaanka ee la doortay waa inay horseedaan Hufnaanta iyo ka fogaanshaha laaluush qaadashada oo dhaqan u noqotay siyaasiyiinta soomaalida, hadii ay dib noogu celiyaana arintaas waxay noqonaysaa “ Qabriga Hanaanka Axsaabta badan”, marajaynayo inay dhici doonto Ururadana waxaa ka saaran Masuuliyad weyn waana inay ilaahay uga baqaan oo dhallinyaradaas doorashada bulshada u timid aysan qaadin wadadii hore ee lagu habsaamay. 6- Wacyigelinta bulshada in kor loo qaado, lagana fogaado khaladaadkii dhacay doorashadii hordhaca ahayd. 7- In daraasado iyo doodo madax bannaan laga sameeyo hirgelinta hannaanka doorashada. 8- Waa in siyaasiyiinta, madaxda urur siyaasaddeedyada kala duwan, aqoonyahanka, cullimadda iyo dhammaan hal doorka bulshadu qaataan kaalin tooda kaga aaddan sidii nidaamkan hirgelintiisu doonista qabiilku caqabad ugu noqon. Dhamaad W.Q: C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan The post MAXAA LAGA BARTAY DOORASHADII HORDHACA AHAYD EE PUNTLAND? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites