Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Welcome to Berbera Beach

Recommended Posts

SDWO (Berbera 05/10/08) Magaalada Xeebta ku taala ee Berbera waxa ay ka mid tahay magaalooyinka aad u leh meelaha ay ka soo baxday Xadaaradaha Aduunka, Berbera waxa ku yaala xeeb aad u fiican oo ay dadka ku nool Somaliland u dabaal tagaan.

 

Xeebta Berbera gaar ahaan meesha la yidhaahdo Batalaale waxa ku aasan aabaha Jacaylka Somalida waa Cilmi Liibaan (Cilmi Boodhari) oo ah inta la xuso ninki ugu horeeyay ee uu asiibo cudurka Jacaylku, taasi oo aakhirkiina dhaxalsiisay in uu iilka la jiifsado cishqigii iyo Jacaylkii xad dhaafka ah ee uu u qabay Hodan.

 

inaga oo aan ku sii dheeraanayn taariikhda Cilmi Boodhari hadana waxa aan xasuustay markii aan dhawaan tegay Magaalada Berbera halkaasi oo aan tegay qabriga uu haatan ku aasan yahay Cilmi Boodhari ka dibna aan faataxada u Maray.

 

ujeedadaydu waxa ay ahayd in aan tago oo aan dabaal u aado Xeebta aadka u fiican ee Batalaale. halkaasi oo ay inta badan dadka ku nool Somaliland ay dabaal u tagaan waqtiyadooda fasaxa.

 

hasa yeeshee waxa aan kala kulmay Xeebta Dabaasha ee Batalaale waxa iga yaabiyay ka dib markii aan arkay tiro badnaantay dadka iyaguna u yimi Dabaasha ee ka kala yimi dhamaan Gobolada Somaliland oo dhan, iyadoo saddexdii cisho ee iida aan ku qiyaasya dad gaadhaya 15000 oo qof kuwaasi oo ku yimi dhamaan qaybaha kala duwan ee gaadiidka hadii ay ahaan lahayd Basas,laanguruusaalo,tagaasi iyo xaajiyado oo ay qaarkood ahaayeen koox koox qaar kalena ay ahaayeen qof qof.

 

Xeebta Dabaasha ee Batalaale oo ay ka dhacayso neecaw qabow oo uu jeclaysanaayo jidhkaagu, waxa tahay goob aad u fiican oo ku fiican dalxiiska iyo nasashada. waxa aad ilaabaysaa marka aad tagto Xeebta Dabaasha ee Batalaale dhamaan wixii wer wer aduunyo ee kugu jiray oo dhan waxanad noqonaysaa qof dareemay in uu yimi deegaan kale.

 

Xeebta Dabaasha ee Batalaale oo waagii hore ahayd meel lagu beeray dhir badan oo loogu talo galay in la hadhsado inta qof sugaayo kala degista Mowjadaha Badda haatan dhirtaasi dhamaan waa la baabiiyay waxana qaar ka mida dadku ii sheegeen in loo isticmaalay Dhuxul.

 

sidoo kale Xeebta Batalaale waxaa ay lahaan jirtay saddex qaybood oo loo kala asteeyey ragga,dumarka iyo qaybta dadka Ajaanibka ah,hase yeeshee immika waxaa ay u muuqataa in dhamaanba waxaasi ay meesha ka baxeen oo qof kastaaba meesha uu ka haleelo uu ka glaayo badda.

 

waxaa iyana wax la ilaabo aan ahayn dhallinyaro badan oo xeebta Batalaale ku ciyaaraya kubbadaha kala gedisan,taas oo aad is odhanayso mala goobtan aad joogtaa maaha dhul ka mid ah Somaliland.

 

Maxamed Siciid(xarrago)

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

JB, lol, wuxuu ka wada labada nin maxey garbaha isku heestaan, such a sight is a turn off meelahan lol

 

 

The last pic, is just super xalaash, xididadii aa xiska ka xirgagey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

i hope hargeish BEACH is shark free

 

I, personally, HATE sharks! They don't do us humans any good! All they do is eat you if you go swimming or surfing! I hate them that's why i dont like "BADA"

Share this post


Link to post
Share on other sites

You're a girl Malike, you don't have to look at the girls but concentrate on the beach ,,,, :D

 

Afro, there is no Hargeisa beach ,,, bad ma lihin anagu ,, lool

 

nuune, now don't jump to the screen ,, we're using internet remember ? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ I bet those gurls are the fish and chips who went there for dhaqan celis!!

 

To me, they don't look like proper gorgorad-ganbo-goono-guntiino ladies, sarwaal unbey isku caburiyeen

 

 

<<<< Sneaks out before any karbaash :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

looool ,, fuley waaxid.

 

 

Waar niyow to tell you the truth imika lamaba kala garto dadka kuwa yimid iyo kuwii sii joogay. They have the same dress and they pretend to be each other.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Afr0 GirL:

Heh@Mermaids ...Meesha Gabareeymayno maad oga jeedo Ngonge

No offence but I have no idea what you said there, Afro. Bal ii yara jilci :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this