Sign in to follow this  
Deeq A.

Masaa’ibta Ummad … Umadda Kale Waa U Faa,ido! Soo Dhowaanshihii Xorriyadda Soomaali Galbeed!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Masaa,ibta Ummad … Umadda Kale Waa U Faa,ido!

Soo Dhowaanshihii Xorriyadda Soomaali Galbeed!!

Kolkii Ay Burburtay Dowladdii Kacaanka Ee Uu Hoggaaminayey Jeneraal Muxammed Siyaad Barre(AUN) Itoobiyana Dowladdii Dergiga Ee Mingistu Hayle Maryam Hoggaaminayey Ayaa Burburtay Taasoo Ay Ka Danbeeyeen Jabhadihii EPLF Iyo TPLF, Waa Ereteriya Iyo Tigreega Iyo Taageeridii Dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya Tobanaanka Sano Waxaa Halkaa Kaa Faa,idaystay Ereteriya Oo Heshay Xorriyadeeda, Soomaali Galbeedna Fursadaa Wey Seegtay!

Sida La Ogyahay Imminka Itoobiya Waxaa Ka Socda Dagaal Aargoosi Ah Iyo Jabhado U Midoobey Inay Xukunka Ka Tuuraan Dr. Abiy Ahmed Taasoo Ay Dabada Ka Riixayso Wayaanaha(Tigreega Mayalka Adag) Haddii Tigreega Uu Ku Soo Noqdo Xukunka Itoobiya Wuxuu Xasuuqi Doonaa Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Wuxuu Isku Dayi Doonaa Inuu Baabi,iyo Dowladnimada Soomaaliya Iyo Somaliland, Nimankan Tigreega Soomaaliya Waa Isugu Mid Waana Cadowgooda Waayo Dulmigii Ay U Geysteen Soomaaliya Wey La Socdaan!

Haddaba Dowlad Degaanka Maxaa La Gudboon!

Waxaa La Gudboon Inay Diyaar Garoobaan Dagaalka Ka Qayb Qaataan Oo Ay Garab Istaagaan Dowladda Uu Hoggaaminayo Dr. Abiy Ahmed,

Waayo Waxaa Hubaal Ah Haddii Dowladda Abiy Axmed Laga Itaal Roonaado Abiy Wuxuu Lasoo Baxayaa Warqaddii Jeebka Ugu Jirtay Ugu Danbeysey Ee Ahayd Dastuurka Itoobiya Inuu Oggol Yahay Ciddii Doonto Inay Ka Go,i Karto Dalka Itoobiya Waana Ballan Wuu Kala Jar Jari Doona Waxayna Noqon Doonaan Dowlado Yar Yar Oo Is Wada Ugaarsada Diyaaradna Wuu Ka Raaci Doonaa,

Dowlad Degaanka Muxaafad Iyo Mucaaradba Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Mideeyaan Aragtidooda Wax Walibana Ay Ka Horu Mariyaan Danta Guud Iyo U Diyaar Garowga Xorriyadda Soo Iftiintay!
Haddii Fursadani Qaalliga Ah Ay Dhaafto Weligood Heli Maayaan Fursad Noocan Oo Kale, Shirarkooduna Waa Inuu Noqdaa Mid Sir Ah Iyo Go,aamaduna Noqdaan Mid Aan Lagu Deg Degin.

Ta Kale Soomaaliya Iyo Soomaaliland Cid Walibana Inay U Saarto Guddi Dersa Xaaladaha Deg Degga Ah Haddii Ay Qaxooti Ku Soo Daataan Soomaaliya Waayo Haddii Ay Xaaladdu Kasii Darto Waxaa Ugu Horrayn Loo Soo Qixi Doonaa Soomaaliland,Djibouti, Soomaaliya, Kenya Iyo Yaman Oo Loogu Sii Tahriibi Doono Dalka Sacuudiga Waana Qayb Ka Mid Ah Qoxootigaa

Kolkaa Waa Inaad Diyaarsataa Khidada Aad Mowjaddaa Ugu Hortegi Kartid Iyo Meelaha Aad Dejin Kartid Oo Ka Fog Magaalooyinka Waaweyn Iyo In Aad U Qaylo Dhaansan Kartid Caalamka Si Aad U Heshid Mucaawano Oo Aad Ku Maarayn Kartid Malaayinkaa Qaxootiga La Filaayo Inay Soo Gaaraan Soomaaliya Bisha December 2021 Iyo January 2022.
Soomaalidu Waxay Tiraahdaa Shar U Toog Hay Khayrku Wax Kaa Dhimee!

Ali Sheikh Adan

adam783@rocketmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this