Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka oo la ansixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-11.jpg?resize=720%2C362&ssl=1

Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka.

Wasiirka Badtoolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan.

Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii  kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.

PUNTLAND POST

The post Heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka oo la ansixiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this