Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab oo Baydhaba lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa laga soo xigtay in ay magaalada Baydhaba ku qabatay shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab oo doonayay in ay weeraro fuliyaan.

Warbixin ay qortay wakaaladda Wararka SONNA, ayaa lagu sheegay in hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ay gacanta ku dhigtay Shabakad Alshabaab ay u diyaarisay qalqal-gelinta Amniga Baydhabo.

Shabakadda ay Ciidamada Amniga ee NISA ay qabteen waxaa ku jiro dad qaba Baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan sida ay wakaaladdu sheegtay.

PUNTLAND POST

The post Shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab oo Baydhaba lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this